Sh. Xasan Turki Oo Gaaray Jiidda Hore Ee Dagaalka
(Kismaayo)24.12-06Wararka ka imaanaya magaalada kismaayo ayaa waxa ey sheegayaan in ey maanta ka ambabexeen magaaladaas ciidan aad u tiro badan kuna hubeysan ilaa afartameeyo gawaarida dagaalka oo uu horkacayo Sheekh xasan Turki oo gaaray jiidda hore ee dagaalka.
Dagaaladan oo ka socda xoogooda gobolka Baay ayaa aad u qaraar, waxaana labada dhinac soo gaaraya gurmad iyo saanado milatari.
Skeekh Xasan Turki oo ah mujaahid aad khibrad ugu leh dhinaca dagaalka ayaa iminka lagusoo waramayaa in uu gaaray halkaa, xilli la isku habeensaday dagaalka uuna yara qaboobay.
Sheekha ayaa waxaa la sheegay in ey la socdaan ciidan khaas ah oo aad u tababaran, meesha ey galaana ey kasoo hoyaan guulo iyo akhbaar farxad gelisa umadda muslimiinta.
Sh. Xasan Turki ayaa lagu sheegay shakhsi khibrad u leh dagaalada jihaadka oo ey iminka maxkamadaha kula jiraan Dowladda Federalka & ciidamada Itobia oo garab taagan.
Imaatinka Sheekha ayaa kusoo beegmay xilli dagaaladi ey sii qaraaraadeen.
News Desk WidhWidh Online



