Postby AbdiWahab252 » Mon Dec 25, 2006 1:12 am
Madaafiic culus ayaa ku soo dhaceysa Magaalada Baladweyn iyo Hareeraheeda, iyada oo xaalada faraha ka sii baxeyso
Sida uu ku soo waramayo Wariyaha Idaacada banaadir ee Gobalka Hiiraan Axmed Caato oo haatan ku sugan Magaalada baladweyn ayaa waxa uu xaqiijinayaa in Madaafiic ay ku soo dhaceyso Magaalada Baladweyn halka kuwo kalana ay sii dhaafayaan.
Wariyuhu waxa uu sheegay in Ciidamada itoobiya oo ay la socdaan Maleeshiyooyinka Hogaamiyaashii la eryay in ay la wareegeen Deegaanka Jawiil iyo kala beyrka, waxaana wararka uu helayo wariyahaasi ay sheegayaan in ay ku soo dhaw yihiin Deegaanka Ceel gaal oo ku dhaw Magaalada baladweyn.
Xaalad Cabsi ah ayaa laga dareemayaa dadka ku nool Magaalada Baladweyn, waxaana si weyn magaalada u soo gaarayo Madaafiicda iyada oo la maqlayo daryanka rasaasta noocyadeeda kala duwan.
Ciidamada itoobiya ayaa saakay duqeyn cirka iyo dhulka ah ka geysatay Gobalka Hiiraan, waxaana la sheegayaa diyaaradaha dagaalka saakay in ay dhowr gantaal ku soo rideen Fariisimo ciidan iyo gobo deegaan ah, illaa iyo hadana ma cada qasaaraha ka dhashay duqeynta iyo dagaalkaba.
Dhinaca kale waxaa sii xoogeysanaya Dagaalkii saakay ka bilowday Deegaanka Bandiiradleey, kaas oo noqday mid lagu xiiqay, labada dhinacna u geystay qasaarooyin kala duwan.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya gacan ku heynta Deegaanka Bandiiradleey, iyada oo dhinac walba ay sheeganeyso in ay gacanta ku heyso, hase yeeshee ma jiraan warar madax banana oo naga soo gaaray deegaankaasi.