Cadaado :Wada hadal ku aadan sidii loo wareejin lahaa hubka iyo ciidamada ku jira deegaanka Cadaado uu u socda odoyaasha Cadaado iyo saraakiisha ciidamada isbahaysiga difaaca gobolka Mudug.
Isniin, December 25, 2006
APL
Tool
Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu dir Email
Print This Article | Daabaco warkaan
Cadaado (AllPuntland)- Duleedka degmada Cadaado ayaa waxaa ka soconaya wada hadallo ku aadan qaabkii loo soo wareejin lahaa hub aad u fara badan oo ay lahaayeen maxkamadaha magaalada Muqdsiho iyo ciidamadii maxkamadaha ka joogay deegaankaasi.
Sarkiisha ugu sar saraysa ciidamada isbahaysiga difaaca gobolka Mudug iyo odoyaasha degmada Cadaado ayaa waxa ay kula ku leeyihin duleedka degmada.
Odoyaasha ayaa waxa ay balan qaadeen in ay soo wareejinayaan ciidamada iyo hubka ku jira magaalada gudaheeda taas badalkeedana ay u baahan yihin in ay helaan balan qaad ku aadan sidii loo nabad galin lahaa dadkaasi.
Taliyaha ciidamada daraawiishta ee DGPL C/laahi Cali Mire (Carays) oo ku sugan degmada cadaado ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in ay doonayaan in ay soo afjaraan dhibaatooyinka ay wadaan kooxaha malayshiyooyinka ah ee taageersan maxkamadaha magaalada Muqdisho.
Waxa uu taliyuhu sheegay in aysan jirin wax dagaal ah oo ay kala kulmeen inta u dhaxaysa Cadaado iyo Galinsoor, marka laga reebo kooxo dhalinyaro ah oo aan sidaa u fara badnay oo sida uu sheegay ka soo cararay dagaaladii bandiiradleey.
Mudane Carays ayaa waxa uu cadeeyay in ciidamada ugu badan ee maxkamadaha u dagaalamayaa ay yihiin dad dhalinyaro ah oo aad u yar yar.
Col. C/laahi Cali Mire (Carays) ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan ciidamo aad u fara badan oo iyaga oo aan dagaalamin isa soo dhiibay, ayna u la dhaqmeen si wanaagsan, hadana ay ku hayaan meel xafidan.
Isku soo wada duuboo waxaa la filayaa in ciidamdu ay horay u sii socdaan.