Postby sadeboi » Tue Dec 26, 2006 1:36 am
Buur-hakaba (PP) - Maxkamadaha Midoobay ayaa gabi ahaan isaga soo baxay Magaalada Buur-hakaba ee Gobolka Bay, halkaasoo ay ku sugnaayeen xilliyadii ugu dambeeyay, waxaana ay sheegeen inay uga soo baxeen xeelado dagaal.
Xoghayaha Guud ee Golaha Shuurada Maxkamadaha Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuleey ayaa daboolka ka qaaday saakay ka soo bixitaanka ciidammada Maxkamadaha ee Degmada Buur-hakaba, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay uga soo baxeen xeelado dagaal.
Maxkamadaha ayaa waxay halkaas kula dagaalamayeen maalmihii la soo dhaafay ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay gacan siinayaan kuwa Ethipoia, waxaana ka dhacay dagaallo aad u qaraar oo sababay geerida boqollaal qof iyo dhaawac boqollaal kale.
Degmada Buur-hakaba oo ah goob istiraatiiji ah ayaa waxay galeen Maxkamadaha muddo 2-bilood ka hor ah, waxaana ay sheegeen inay xoog kagala wareegeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, balse ma jirin wax dagaallo ah oo xilligaas ku dhex maray labada dhinac Degmada Buur-hakaba.
Lama garanayo sababta dhabta ah ee keentay inay ka soo baxaan Maxkamadaha Degmada Buur-hakaba, marka laga reebo hadalka Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suleey ee ah xeeladda dagaal, waxaana haatan lagu warramayaa inay degmadaas soo gaareen ciidammada Dowladda oo ay gacansiinayaan Ethiopian-ka.
Maxamed Xuseen Jantiile
Wakiilka Puntlandopst - Mogadishu