Geedi: We Will Not Enter Mogadishu
Posted: Wed Dec 27, 2006 10:12 am
Hopefully, the TFG stays out of Xamar and avoids a firefight in the city. The UIC should do the honorable thing and quit for the sake of their supporters.
Ra'iisal Wasaare Geedi oo sheegay in ay soo af-jarmayaan dagaalladii kala dhaxeeyay Maxkamadaha Islaamka
Arbaco, December 27, 2006(HOL): Ra'iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa shaaca ka qaaday in uu soo af-jarmayo dagaalkii kala dhaxeeyay Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna sheegay in ay Dowlada Federaalka oo taageero ka helaya Ciidamo Itoobiyaan ah ay dhabarka ka jebiyeen wax uu ugu yeeray cadawga Soomaaliyeed.
Prof. Geedi waxaa uu sheegay in ay dowladda Federaalka guulo ka gaartay Dagaalladii maalmahan kala dhaxeeyay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna sheegay in ay dowladda dagaalkaas xooggiisa soo gashay kadib markii ay fariisinka dowladda Federaalka ku dhawaadeen Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo ay ka barbar dagaalamayeen Dagaalyahanno Ajnabi.
Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo wareysi siiyay Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in aysan dagaalla u gudbin doonin Magaalada Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in Magaalada Muqdisho ay joogaan dad badan oo Soomaaliyeed oo rayid ah, kuwaasi oo ay u tureyso Dowladda, wuxuuna caddeeyay in ay dadkaasi ka rajeyneyso Dowladda in ay caleemo qoyan ku soo dhaweeyaan.
Prof. Cali Maxamed Geedi waxaa uu ku eedeeyay Maxkamadaha Islaamka in ay dadka Soomaaliyeed xoog ku qabsadeen, isla markaana ay ku marmarsiyoodeen in loo yeertay, isagoo caddeeyay in aaney meel looga yeertay.
Wuxuu caddeeyay Ra'iisal Wasaare Geedi in Dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ay iska kaashanayaan wax kasta oo khatar ku ah nabadda labada dal, wuxuuna tilmaamay in ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Maxkamadaha Islaamka dagaalka soo galeen kadib markii ay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo kuwo la socda oo Ajnabi ah ay weerar ku qaadeen deegaano aad ugu dhow fariisinka dowladda Federaalka.
Hayeeshee Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed oo maanta dib ula wareegay gacan ku heynta magaalada Jowhar oo uu muddo lix bilood ah ka maqnaa ayaa mar uu la hadlayay dadka Jowhar waxaa uu u sheegay in is-dejiyaan, isagoo uga tacsiyeeyay sida uu u yiri tacaddi ay Maxkamadaha Islaamka ku hayeen Muddo lix bilood ah.
Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in ay maalinta berri ah weerari doonaan Magaalada Muqdisho oo ay ka geli doonaan Waddooyinka Afgooye iyo Balcad ee gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose, walow uu Ra'iisal Wasaare Geedi sheegay in aanu jiri doonin weerar lagu qaadayo Magaalada Muqdisho.
Wararkii ugu dambeeyay dhinaca Ciidamadii saakay la wareegay magaalada Jowhar ayaa sheegaya in uu sahanka Ciidamadaas soo gaaray Tuulada Qalimow oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana jira warar kale oo aan si rasmi ah loo xaqiijin oo sheegaya in ay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka halkaas dib uga gurteen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia