Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Mogadishu has fallen: Somali calns capture for government!!!

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
sadeboi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11690
Joined: Wed Jun 02, 2004 7:00 pm
Location: Reer Siyaad Ugaas

Mogadishu has fallen: Somali calns capture for government!!!

Postby sadeboi » Wed Dec 27, 2006 11:08 am

Isbadal Ku yimid Caawa qeybo ka mid ah caasimadda somalia


Mogadishu 27, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayay galabta la wareegeen Maleeshiyooyin qabaa'il oo hubeysan, iyadoo lagu arkayay isgoysyada magaalada Muqdisho qaarkood.

Maleeshiyooyinkaan oo ku hubeysan hubka tiknikada ah iyo kan fudud ayaa galabta gaaf wareegayay isgoyska Siinaay, iyadoo Taliye lagu magacaabo Max'ed Cabdi Sabriye Garjeex oo gacan ku heynta degmada Boondheere ilaa iyo Suuqbacaad ay maleeshiyo daacad u ah isaga ay la wareegeen ayaa waxa uu sheegay in ay ka baxeen halkaasi ciidamo horey u joogay oo amaanka sugayay oo ka tirsanaa golaha maxkamadaha islaamka, haatana ay iyagu la wareegeen si aanu faraha uga bixin amaanka.

Dhinaca kale Isgoyska Siinaay ayaa maanta markii ugu horeysay lagu gadayay Jaad, iyadoo dadka aanu wax cabsi ah qabin.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda KMG ah ay joogaan deegaanka Qalimow ee degmada Balcad ku dhow, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah oo ku sugan degmada Balcad.

sadeboi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11690
Joined: Wed Jun 02, 2004 7:00 pm
Location: Reer Siyaad Ugaas

Postby sadeboi » Wed Dec 27, 2006 11:14 am

Mogadishu - 27-December -2006-Allceeldheer.com Isbadal ayaa ku yimid caawa caasimadda somalia ee Muqdisho, ka dib markii qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ay qabsadeen galabta maleeshiyooyin hubeysan oo qabaaÂ’ilada ah, iyadoo maanta galinkii dambe la waayay ciidamadii maxkamadaha ee joogi jirey isgoysyada.


Magaalada Muqdisho gaarahaan deegaanada siinaay, Suuqbacaad iyo Manabolyo ayaa waxaa lagu arkayay maleeshiyo caafadeed ku hubeysan qoryaha dagaalka kuwaasi oo sheegay in ay suganayaan amaanka deegaanadooda maadaama ay baneeyeen meesha kuwii maxkamadaha islaamka.

Arintaan ayaa waxa ay timid ka dib markii xoogagga maxkamadaha islaamka ay ku soo jabeen maanta dagaalkii loogala wareegay gacan ku heynta magaalada Jowhar, iyadoo caawa degmada Balcad ay jiifanayaan ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda Somalia.

Qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho waxaa dib ugu soo laabtay qaad la iibinayo, iyadoo isgoyska siinaay si caadi ah loogu iibinayay.

Warar si hoose loo helay ayaa waxa ay sheegayaan in gawaaridii dagaalka loogu celiyay qabaaÂ’iladii iska lahaa, iyadoo qabiil walba uu bilaabay in hubkii laga qaniimeystay uu soo ceshado.

User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56703
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Postby AbdiWahab252 » Wed Dec 27, 2006 11:21 am

Inta badan goobihii ay gacanta ku hayeen Maxkamadaha Islaamka ee Magaalada Muqdisho oo si beel beel ah loo wareejiyay. Iyadoo goobahaasina ay ka mid yihiin: Taliska police-ka , Radio Mogadishu, iyo xaruntii Villa Soomaaliya oo dhamaan goobahaasi uu gacanta ku hayay Xuseen Ceydiid .

Hobyonet. Muqdisho. Arbaco, Dec 27, 2006

Xarumahaasi aya kalhore waxaa la wareegay Maxkamadaha Islaamka si nabdoon , waxayna haatan markii ay xaaladu xumaatay la goÂ’aansaday in lagu wareejiyo Taliyaha Ciidamada Maxkamada Madaxtooyo Sadaam Sh. Xasan Faarax.

Radio Mogadishu oo ku howlgeli jiray magaca codka shacabka Soomaaliyeed ayaa markii ay Maxkamaduhu qabsadeen waxaa lagu magacaabay Codka Ummadda Soomaliyeed, Raadiyahaas ayaanu barnaamijyadii cadiga ahaa ka soconin xilligaan marka laga reebo Aayadaha Quraanka kariimka ah, oo si xirir ah uga socda.

Warar hoose ayaa sheegaya in goobo kale oo hor leh ay Maxkamaduhu damacsan yihiin in la wareejiyo sida deegaanada suuqa xoolaha iyo Degamada C/casiis oo maamuli jireen hogaamiye kooxeedyo.

Arrintan warejinta Fariisimahaan oo ah baro muhiim ah ayaa waxaanu si rasmi ah loo cadeyn karin sababta ka dambeyso in la warejiyo

Ahmad Dahir

Hobyonet. Muqdisho Soomaaliya

Maslaha1@hotmail.com


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 69 guests