Sh.Xasan Daahir iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Kenya
Waxaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee No. 50 ee Gobolka Sh/hoose qaar ka mid ah masÂ’uuliyiinta golaha Maxaakiimta Islaamiga, iyagoo ku sii jeeda magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, kaddib markii ay casuumaad ka heleen madaxweynaha dalkaasi Moi Kipaki.
Wafdiga Maxaakiimta ayaa waxaa hoggaaminaya guddoomiyaha Golaha Shuurada Sheekh Xasan Daahir Aweyn, waxaa kaloo ka mid ah Xoghayaha arrimaha dibadda Prof. Ibaahim Xasan Cadow, iyadoo warar ku dhow dhow maxaakiimtana ay sheegayaan in uu la xiriiro socdaalkooda sidii wax looga qaban lahaa dowladda Itoobiya duulaanka cirka iyo dhulka oo ay ku soo qaaday dalka Soomaaliya.
Sidoo kale masÂ’uuliyiintaas ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan urur gobolleedka IGAD oo qeyb ka mid ah dalalka ku mideysan ay ka soo horjeedaan weerarka gardarada ah oo ay ku qaaday Soomaaliya dowladda Itoobiya iyadoo taageeraysa dhinac ka mid ah dhinacyada ay isku hayaan Soomaaliya.
Wixii warar ah ee ka soo baxa socdaalka MasÂ’uuliyiinta Maxaakiimta waxaad kaga boggan doontaan wararkeena dambe (Insha Allaah).
webmaster@goobjoog.net