This will be my last UIC post. Its been fun posting about the UIC & since they are no longer, I am out of a fun hobby.
To all the Undercover Ignorant Cowards supporters, read and weep.
Hogaanka Sare ee Golaha Maxaakiimta islaamiga oo caawa soo saaray qodobo u muuqday in ay ka tanaasuleen xilalkoodii
ShirjaraaÂ’id oo si wada jir ah caawa ugu qabteen Magaalada Muqdisho gudoomiyaha golaha Fulinta Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo ku xigeenkiisa C/raxmaan Janaqow.
Shirkan JaraaÂ’d ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Shiikh Shariif sheikh Axmed waxa uuna sheegay in dalka la soo weeraray isla markaana uu ku jiro xaalad adag, sdaasi daraadeed loo baahan yahay in il gaar ah lagu hayo.
Qodobadan ay caawa soo saareen ayaa waxaa Saxaafada u aqriyey waxa uuna sheegay .
1- waxaa Waajib Muqadas ah in la ilaaliyo MabaaÂ’diida iyo jiritaanka qaranimada Soomaaliyeed.
2- Golaha Maxkamadaha Islaamka waxa ay ogol yihiin in Umada Soomaaliyeed ay aayaheeda ka tashadaan, una diyaar garowdo sidii ay xilkaas ula wareegi laheyd
3- Golaha Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed waxa ay aaminsan yihiin ama ay goÂ’aamiyeen in aan wadanka ama Caasimada aan laga sameyn wax fowdo ah.
Qodobadaas iyo kuwo kale ayaa ka mid ahaa , waxaana markii uu aqriyey Shiikh Janaqow, ka dib hadalay sheikh shariif oo sheegay in amaanka iyo talaabooyinka guulaha xambaarsan ee Maxaakiimtu ay qaadeen uu ak bilowday Jidad iyo xaafado, haatana ay fool xumo tahay in ay uga tanaasulaan dad wax magarad ah iyo cadow.
Hadaladan ay jeediyeen oo ahaa kuwo kooban ayeysan sharaxaad ka bixin ujeedkooda dhabta ah , in ay xilalakii ka tageen iyo in ay dagaalami doonaan, hase yeeshee qodobada qaarkood marka la eego ayaa waxa ay u muuqaneysaa in ay xilalkoodii ka tanaasuleen.





