27/12/2006, Onkod , Soomaaliya: Tan iyo Markii ay Ciidamadda Ethiopia sida xoogan u qabsanayeen Magaalooyinkii ay horay u joogeen Ciidamada Maxaakiimta Islaamka Soomaaliya ayaa Warar kala duwani oo Shabakadani soo gaaray waxaa ay sheegayaan in ay jiraan Culimaa'udiin badan oo qaarkood lagu dilay Magaalooyinkii ay soo galeen Ciidanka Ethiopia halka sidoo kalana qaar kale aan laga war hayn ilaa hadda halka ay ku sugan yihiin inkastoo la filayo in Ciidanka Ethiopia ay ku hayaan goobo aan la garanayn oo ay su'aalo badan waydiinayaan. dad Soomaali ah ayaa ka qayb qaadanaya in ay farta ku fiiqaan Culimadeena Soomaaliyeed ee la ugaarsanayo.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in qaar kamid ah Culimada loo haysto danbiyo la xiriira in ay si weyn ugu soo dhoweeyeen Magaalooyinkaasi Maxaakiimta Islaamka xiligii ay soo galeen oo isla dadweynaha Magaalooyinkaasi ay Jaanuuseen iyagoo la safan Ethiopianka iyo dawladda kumeel gaarka Soomaaliya.
Wararka naga soo gaaray Magaalooyinka:
Jowhar : dhowr nin oo culimo ah ayaa haatan ay qabteen Ciidanka Maxamed Dheere oo ay u taxaabeen Xabsiga Magaaladaasi Iyadoo sidoo kale qaar badan ay ka carareen.
Baladweyne: 4 Nin oo kamid ahaa Culimaa'udiinka reer Baladweyne ayaa lagu dilay Magaaladda bartankeeda iyadoo aan la is weydiin , waxaa sidoo kale la xiri xiray 10neeyo kale oo su'aale ay waydiinayaan Ciidamada Ethiopianka ee Magaaladda ku sugan.
Buur-hakaba: 6 nin ayaa la xiray oo la sheegay in ay ahaayeen rag lagu tuhunsanaa in ay maxaakiimta taageerayeen isla markaana waxaa wararku ay intaasi ku darayaan in la jir dilay.
Diinsoor: 5 ka tirsanaa Culimo Magaaladaasi ku noolayd ayaa lagu dilay waxaa sidoo kale xabsiga la dhigay 6 ka tirsan dadweynaha deegaanka oo la waydiinayo warar la xiriira maxaakiimta islaamka.
Cadaado: waxaa la sheegay in 56 qof lagu Xasuuqay hase yeeshee wali warar faah faahsan ma aanan ka helin Magaaladaasi.
Gaalkacyo: 10 ka tirsanaa Culimaa'udiinka magaaladaasi ayaa dayuurad lagu qaaday lamana garanayo halka la geeyay.
Wixii kale ee warar ah ee naga soioi gaara Goobaha ay Ciidanka Ethiopianku qabsadeen waan idiin soo gudbin doonaa insha alaah.
Onkod News.
:: Related Links
· More about PHP-Nuke
· News by editor
--------------------------------------------------------------------------------
Most read story about PHP-Nuke:
Nin Lagu Dilay Magaalada Muqdisho Daqiiqado ka hor
:: Article Rating
Average Score: 3.2
Votes: 5
Please take a second and vote for this article:
:: Options
Printer Friendly
Sorry,



