SomaliLand Don't Blame Gheddi, Ur Brother In TIGREHOOD !!!!!
Posted: Thu Dec 28, 2006 9:36 am
Dawlada Somaliland oo Jawaab Kulul ka bixisay hadl ka soo yeedhay Cali Maxamed Geedi maanta mar uu BBC laanta Af-Somaliga uu waraysi siiyay
Qarannews: Warsaxaafadeed ay xukuumada Somaliland ugu jawaabaysao Raysal Wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geedi Waraysigii uu siiyay BBC Laanta Afka Somaliga, warsaxaafdeedkani oo uu ku saxeexanyahay wasiirka arimaha dibada ee Somaliland waxa uu ahaa ama u dhignaa sidan hoos ku xusan.
Waraysigii uu bixiyay una siiyay Idaacada BBC-da laanteeda afsoomaaliga ee Arbacadii ee 27/12/2006 Raysal Wasaaraha dawlada Khilaaf raadinta ee koonfurta Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geedi oo dhinacyo badan lahaa, qayb ka midina ahayd xidhitaanka badda iyo duulista hawada ee Soomaaliyada Koonfureed isagoo ku daray in Somaliland ‘’ay ku jirto meelaha laga xidhay gaadiidka circa iyo Baddaba in aanay marsooyinka iyo madaarada dalka JSL’’.
Haddaba, waxa fajiciso iyo amakaag in masuulkaasi dhawaaqiisu yahay mid riyo ah kuna salaysan dhalanteed ka fog xaqiiqada, sideedaba Jamhuuriyada Somaliland iyada ayaa ka masuul ah amaanka , maamulka iyo maaraynta dalkeeda, guud ahaanba, iyada oona cidna uga qaadanayn fasax talada dalkeeda
Haddalada ka soo yeedhay Cali Geedi, waxa qarankani u arkayaa soo kicinta xanuuno iyo ladh hore oo ummada reer Somaliland door biday inay is ilawsiiso iyadoo ka raacanaysa danaheeda iyo dhismaheeda.
Faran faraynta deg dega ah ayaa Jamhuuriyada Somaliland uga digaysaa duqaas isaga ah. Waxa qudha ee na dhex mari karaana waxa weeye waa Jaarnimo wanaagsan oo lagu wada noolaado.
Waxaanu xusuusinaynaa Cali Geedi in ay u taalo hawl iyo dhibaato ku filan halka uu uga soo buÂ’ayo Jamhuuriyada Somaliland oo aan isaga iyo cid kale toona waxba ka khusaynin haba yaraatee.
Waxaanu la socod siinaynaa shirkadaha Gaadiidka Badda iyo Cirka ee ka goosha JSL inaanay u hanqal taagin hadalada ka soo baxaya Maamulka Cali geedi, cidiise fulisa amaba u dhego nuglaata hadaladaasi , JSL waxay kala noqon doontaa ruqsadihii ay ka haysteen dalka Somaliland.
Waxa kaloo arrinkaasi saamayn ku yeelan doonaa hayÂ’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Samo falka ahba haday ku dhaqmi waayaan goÂ’aamada JSL.
Alla Mahad leh
Mudane C/laahi Maxamed Ducaale
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Jamhuuriyda Somaliland