Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

aan ooyee albaabka ii xidha.

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
biko
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9077
Joined: Wed Aug 27, 2003 7:00 pm
Location: just right the corner.

aan ooyee albaabka ii xidha.

Postby biko » Thu Dec 28, 2006 9:27 pm

Awawgay ninkii adoonsaday
ninkii aabahay indhaha tiray
ninkii anigana i iibsaday
hadaan arkayoonan ka aarsan karayn
hadaanan Aadanow unuunka jarayn
aan ooyee albaabka ii xidha.

Isagoo Iglan joogabuu i diloo
ushuu soo fidshaa i iimaysoo
waataa aramidii i oofa tirtaye
itaal dari aan la eedaadoo
aan ooyee albaabka ii xidha.

Bal oggow isticmaarku abidkii
iriduu marinaayo awr raran
irbadbuu ku dayaa ayaamaa horee
Ragan aan arkayee u abasaxayow
ninowna ha odhan soomaalaan ahee
ordoo magacana ka iibsada.

Libaaxa anayiyo Abaarso ka ciyay
Abu Riin Lo'da joogtabaa urisoo
ooday jebisaa intay u dhacdoo
amsaxuu ka guraa idiilkeede
waakaa isticmaarkii ii daayee
Ragan aan arkayee u abasaxayow
in shaahiyo keegu waa urugee
iimawdee axankaaga weynee.

Ugaadha ninkii gatee urursada
ka soo arkabaa aduun ka baxshee
ninkaa imanaaya awgii waa
kaa isticmaarkii ii daayee
Ragan aan arkayee u abasaxayow
ordoo magacana ka iibsada.

User avatar
XidigtaJSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2428
Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
Location: Erigavo, Sanaag

Postby XidigtaJSL » Thu Dec 28, 2006 11:08 pm

Afrikada Ilaahow

Ibraahim Sulaymaan (Ibraahim Gadhle) (HY)

Allahayow adduunyada markaad, taagtay udubkeeda
Ama aad abuurtay khalqiga, Aadan iyo Xaawo
Maalintuu Iblayskuna kufriyoo, diiday amarkaaga

Imminkiyo ayaantaa maxaa, belo adeegeysa
Imisaa ardaa fiican iyo, aqal madoobaaday
Ubadkay siteen iyo maxaa, dumar agoonoobay

Imisaa arwaax hoyatay oo, gaal iyo islaan leh
Axmadkii la doortiyo maxaa, nebiyo loo ooyay
Abuubakar Siddiiq iyo inuu, Caliba iil jiifo

Inkastoon ogsoonahay inaan, axadba waaraynin
Wadka Eebe soo diro wax baa, aniga ii dheere
Ifka ruuxa joogaa kol uun buu, ku istareexaaye

Kol uun bay anfaaciga macaan, iligga saaraane
Ikhtiyaar kol uun bay helaan, uumiyaha kale eh
Aasiyaba waxay leeyihiin aarmi iyo xooge

Annagana Orobbaa sidii, awrta noo rarata
Waaggii iftiimaba kun baa, lanaga aasaaye
Bal qabsoo ugaadhiyo sidii, adhiga weeyaane
Eygaa ciyaayana hadduu, dhaamo inankeenna

Afrikadan Ilaahow maxaa, laga abuuraayey?
Allahayow alhuumiyo maxaad, iinta ugu yeeshay?
Allahayow awood iyo maxaad, aalad ugu diidday?
Ummaddaada Eebbow maxaa, loogu kala eexday?

Ingiriis ragguu laayey baan, cidi ilaaweyne
Axmad Guray unuunkay jareen, ehel ha waayaane
Oomaarna waad wada ogtihiin, uubtii loo qodaye

Sayidkii addoonsiga nebcaa, aakhiro u tabiye
Waa kuwii Cadhoolana ajalay, calankan awgiiye
Halyeygii Bashiir bay dharaar, adhaxda gooyeene

Maxamuud sidii loo arjumay, aamus laga qaadye
Imaam Cusmaan baa ku maqan, ololeheeniiye
Ablay bay u quudheen nin ragi, kuma ataageene

Eeddii gumaystaha haddaan, in yar ka faalloodo
Axaddii bishii Maaris iyo, hore isniintiiba
Eedaanka waaberi markuu, noo addimay sheekhu

Waa kuwii intay ururiyeen, edeg ka buuxsheen e
Waa kuwii awaaraha na tubay, aqab la'aaneed e
Waa kuwii uqaylkii guriyo, kii arrimin lahaaye

Waa kuwii hablaha ugub diliyo, Aaminiyo Luule
Waa kuwii Aamaar iyo dugaag, oomman noo qubaye
Immikana kuwaa talinayay, eebada u tumiye

Isticmaarku ooduu dhigiyo, qodaxdii waa taalle
Ma ilbixin kuwii aan lahaa, way ka aargudane
Iglan baaba loo dhoofiyaa, weli addoontiiye

Iib baa Amriik loogu diray, odayo waaweyne
Almaaniyana kolay tahay, nala asqaysiiye
Kol hadday abiid ii yihiin, oohintiyo ciilku

Uurkii islaantii maxaan, uga abuurmaayay?
Oofta iyo hooyaday maxay, adhaxda ii saartay?
Allahayow awoowiyo muxuu, aabbe ii dhalayay?

User avatar
XidigtaJSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2428
Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
Location: Erigavo, Sanaag

Postby XidigtaJSL » Thu Dec 28, 2006 11:16 pm

Cirsan-ka-yeedh, 1969

Axmed Ismail Dirie "Qaasim", HY

Waa gabay abwaanku ku sifaynayo sidii loo dhibsaday maamulkii Waagaas jirey Isagoo saadaalinaya isbeddel inuu dhici doono. Isbeddelkaasi waakii dhacay Hayeeshee ma noqon mid lagu caano maalo oo waatii Caada-qaatayaal caynaanka dalka boobeen.
Cashadii gashaba waagu waa caynad gooniyahe
...
Caammadu waxay moodayaan curasho Dayreede
Cilmi Felegga way garan raggii Caalimka ahaaye
Anigaase Moorada cakiran kuu caddayn kara'e
Cirsan-ka-yeedhkii maantana warbuu sheegay Caliyo'e
Wuxu yidhi halkuu ku cuyubnaa cirirki soo dhaafye
Carruuraha la dhacay Awliyada laga cadhaysiiyey
Carshigaaba laga soo aqbalay cabashadoodiiye
Caawaa la kala soocayaa Caabud iyo Gaal'e
Casha aan fogeyn waxays beddeli ciidan fara weyne
Caaddaa rag koraybuu nabsigu hoos u soo celinne
Caanuhu dhawaan way ka quban ciil dar loo qabaye
Inay Curaddo khayr lihi kacaan ciiddan la arkeeye
Ceeryaamo Subaxeed nin nool curadka roob moodye
Marse haddii cadceed lagu dhexdaro wayska cidinciide
Caloolyow aan kugu raagihayn ciidda haw qodin'e
Cagta ii dhig waakaa nabsigi soo cadceedsadaye

Galol
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3754
Joined: Sun Aug 26, 2001 7:00 pm
Contact:

Postby Galol » Thu Dec 28, 2006 11:26 pm

Biko

That famous piece by Belayo Cas(later changed to Barkhad Cas) was an uncharacteristically over the top emotional outburst by this great playwright.

I like his hedonistic work and like his tragicomedy pieces even more.

Daanyeer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15781
Joined: Tue Aug 12, 2003 7:00 pm
Location: Beer moos ku yaallo .biyuhuna u muuqdaan

Postby Daanyeer » Sat Dec 30, 2006 3:05 pm

'aan ooyee albaabka ii xidha'


DESERVED to be TTTed

User avatar
ABSAME'
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1813
Joined: Sat Jul 09, 2005 5:29 pm

Postby ABSAME' » Sat Dec 30, 2006 5:53 pm

Iidoor folks, don't worry.

User avatar
Enemy_Of_Mad_Mullah
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20796
Joined: Fri Mar 10, 2006 6:27 pm
Location: In the plains out in hawdka im'a tell ya, mess with the reer and a vest could'nt help ya

Postby Enemy_Of_Mad_Mullah » Sat Dec 30, 2006 5:58 pm

maanta ogadeen waa lugu xaaray Laughing Laughing Laughing

Daanyeer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15781
Joined: Tue Aug 12, 2003 7:00 pm
Location: Beer moos ku yaallo .biyuhuna u muuqdaan

Postby Daanyeer » Sun Dec 31, 2006 8:04 am

'aan ooyee albaabka ii xidha'

Daanyeer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15781
Joined: Tue Aug 12, 2003 7:00 pm
Location: Beer moos ku yaallo .biyuhuna u muuqdaan

Postby Daanyeer » Mon Jan 01, 2007 1:21 pm

'aan ooyee albaabka ii xidha'

User avatar
biko
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9077
Joined: Wed Aug 27, 2003 7:00 pm
Location: just right the corner.

Postby biko » Mon Jan 01, 2007 1:25 pm

'aan ooyee albaabka ii xidha'

Daanyeer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15781
Joined: Tue Aug 12, 2003 7:00 pm
Location: Beer moos ku yaallo .biyuhuna u muuqdaan

Postby Daanyeer » Tue Jan 02, 2007 2:20 pm

'aan ooyee albaabka ii xidha'

User avatar
Ashlee
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9351
Joined: Fri Nov 04, 2005 11:49 am
Location: The night is darkest just before the dawn. And I promise you, the dawn is coming.

Postby Ashlee » Tue Jan 02, 2007 2:22 pm

WAT A PUSSIHOLE WAT U CRYIN 4 ?! Confused



---> EXIT

User avatar
Sakhraan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3346
Joined: Tue May 23, 2006 7:14 am
Location: Hornyville.

Postby Sakhraan » Tue Jan 02, 2007 4:25 pm

REER SHEIKH IDOOR YAA DHINTAY Confused ..........AAN ILMEEYEE IRRIDA II XIDHA.

SAKHRAAN>SEEKER OF TRUTH & JUSTICE

Daanyeer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15781
Joined: Tue Aug 12, 2003 7:00 pm
Location: Beer moos ku yaallo .biyuhuna u muuqdaan

Postby Daanyeer » Wed Jan 03, 2007 2:26 pm

'aan ooyee albaabka ii xidha'

User avatar
COSTA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13754
Joined: Fri Jun 25, 2004 7:00 pm
Location: (Sapo)= Min arbetsgivare

Postby COSTA » Wed Jan 03, 2007 2:31 pm

Real men dont cry Monkey boy Ragga somaliyed ha ceebeen


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: Bing [Bot], nnjrewzas112 and 63 guests