Postby Ugaas Diini » Sun Dec 31, 2006 5:14 pm
Baaq Ku Socda Sheikh Sharif: Xamar Dabka Laga Badbaadiyey Maxaa Jubooyinka Loola Soo Aaday?:BY Jamal Sh Saciid
Dec 31,2006
by Columbus-GEDO-NN
Waxaa cajiib ah in aad badbaadiseen maalka iyo nafta Muqdisho ooydaan ugu dagaalamin sidii aad hore ugu balan qaadeen balse aad dabada la soo gasheen dhul islaameed oo iyaguba mudan in naftooda iyo maalkooda la badbaadiyo. Ilaahay ka cabsada oo haddii waxa aad wadeen ay diin ahaayeen badbaadiya nafta iyo maalka dadka Jubooyinka.
Waxbixintiinii ugu dambaysay waxaad tiri Muqdisho naf iyo hanti badan baa taala kuna baxday mana rabno in ay si sahal ah ku baxdo. Aan dhowr arimood kaa dhaho arintaan:
1- hadaad jihaadayseen ma dhici karto in aad Jihaad ka hormarisaan dhaqaale, oo halkaas waxaad moodaa in naf iyo maal jeclaysi uu idin galey oo shaki ku jiro wixii aad balan qaadeen in ay run ahayd iyo in ay lugooyo ahayd.
2- Waxay u muuqataa in aad badbaadinayseen maalka iyo nafta qabiilada xamar dega ood dabkii iyo dhibkii la soo aadeen qabiilada jubooyinka dega oo aan qabiilada aad ka dhalateen ahayn. Awal baa dad badani shaki qabiil idinka qabay balse tani waa tusaale kale ood qabiilkiiniina badbaadiseen, qabiilo kalena dab in aad guryahooda ku hurisaan rabtaan.
3- Goobihii ay ku aadanayeen nimanka aad isku jifada tihiin wax dagaal ah oo ka dhacay ma jiraane laga soo bilaabo Buulo Barde ilaa Xamar, ama Kuwii ay Aweys isku jifada ahaayeene laga soo bilaabo Dhuusamareeb ilaa Matabbane, balse iidaale iyo diinsoor ooy ka dagaalameen labo jifo oon kuwiina ahayn, aadna isku mowqif ahaydeen, waxay dhigeen soomaali oo dhan baa og. Marka maxaad u rabtaa in ay ajarmaan oo ciribtirmaan nimankan ay Xassan Turki isku jifada yihiin. Walaalow badbaadiya dadka soomaliyeed kale ee ku nool deganaadada ay ku soo uruurteen sida aad kuwiina u badbaadiseen.
4- Diyaarada iyo Taankiga Xabashidu wax loo babac dhigi karo ma ahan ee Illaahey umada soomaaliyeed dhinac ha u dhaafiyo, balse haday adinka idin kartay ka hub badnaa Xassan Turki qabiilkiisa (oo si daacad iyo diin jacayl ah ugu dagaalamay mowqifka maxkamadaha), walaalow iyagana way kartaa ee fidno iyo halaag ha u soo jiidina shacabka Jubooyinka degan.
Illaahay ka cabsada shacabka soomaaliyeed waa mid, wixii aad naftaaada iyo qabiilkaaga ka badbaadiso ka wada badbaadi shacabka soomaaliyeed oo dhan. Kala dhex baxa fidnada shacabka Jubooyinka sida aad kuwa Xamar ugala soo dhex baxdeen.
Xaq miyaa in Xamar dowladnimo hesho caawa, Jubooyinkana dabkii xamar laga badbaadshey laga huriyo? Jawaabtu waa maya.
Wabillaahi Towfiiq,
Jamal Said
Email:jsaid1@yahoo.com