Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga iyo Mas'uuliyiinta Maxkamadaha ugu sar sareysa ee ku sugneed maalmahaan Magaalada Kismaayo ayaa xalay saqdii dhexe iskaga baxay Magaaladaasi.
Ka bixitaanka Maxkamadaha Magaalada Kismaayo ayaa timid kadib markii Maxkamadaha loogu ilaal sheegtay dagaal culus oo shalay ilaa xalay Ciidamada Maxkamadaha iyo kuwo Ethiopian oo ay ka barbar dagaalamayaan Ciidamada DF uu ku dhex maray Degmada Jilib.
Ilaa iminka ma jirto meel lagu sheego Ciidamada Maxkamadaha iyo Mas'uuliyiinta la socotay, waloow warar hoose oo aan helnay ay sheegayaan iney xadka Dalka Kenya ay beegsadeen.
Ciidamo taabacsan Barre Hiiraale oo saddex bilood ku sugnaa Deegaanka Beerxaani ayaa saakay soo galay Gudaha Magaalada Kismaayo, iyadoo uu hogaaminayo Col. Cabaas Ibraahim Gureey, iyadoo ciidamadaasi ay sugayaan Ammaanka Dekada iyo Airport-ka Kismaayo.
Si kastaba ha ahaatee, Magaalada Kismaayo ayaa saakay dibadbaxyo ay soo abaabuleen Dadweynaha ka dhaceen, iyadoo Dadweynaha ay ku faraxsan yihiin imaansha Kismaayo Dowlada Federaalka.
http://simbanews.com/news/News%2001%20Jan%207.htm