Kismaayo: Wasiirka Gaashaandhiga oo lagu soo dhoweeyay Kismaayo
Kismaayo:(Allpuntland)Ciidamada Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa ciidamada Itoobiya oo ay wehliyaan Wasiirka gaashaandhiga Barre Hiiraale ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo kadib markii xalay ay isaga baxeen ciidamadii golaha maxkmaddaha Islaamiga.
Ciidamadan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo kuwa gaashaaman ayaa waxaa ay la wareegeen guud ahaan degmada Kismaayo iyadoo wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan in gaadiidka ciidamada dowladda oo uu hoggaaminaayo wasiirka gaashaandhiga aymagaalada ku socod dheer ku marayaan.
Dhinaca kale madaxdii iyo maliishiyooyinkii maxkamaddaha Islaamiga ayaa lagu soo waramayaa in ay u carareen dhinaca degmada Dhoobley oo ay ku xoogan yihiin Maxkamaddaha Islaamiga
http://www.allpuntland.com/article/anmv ... a=1751&z=1





