Muqdisho, 07-01-2007.
Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya oo lagu weeraray Isgoyska No.4 ee Muqdisho
Abaarihii 8:45-daqiiqo ee caawa ayaa Kolonyo ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Itoobiyaanka oo marayay isgoyska No.4, agagaarka Hargaha iyo saamaha ilaa iyo hoteelka Naasa-hablood ee magaalada Muqdisho lagu weeraray waxyaabaha qarxa iyo rasaasta ka dhacda qoryaha fudud iyadoo dad ka dhow goobta uu qaraxaasi ka dhacay ay goobjoog.net u sheegeen in ciidamadaasi iyo dadka weeraray uu iska horimaad xooggan dhex maray.
Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen dhanka Dekadda magaalada Muqdisho, hase ahaatee ma jiraan warar xaqiijinaya qasaaraha weerarkaasi ka dhashay, iyadoo lagu tilmaamayay in ay qeyb ka yihiin weeraradan dagaallada ku dhufo ee ka dhaqaaqa ee ay wadaan dadka ka soo horjeeda joogista ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya.
Dagaallada noocan oo Muqdisho ka jiray tan iyo intii ay Maxaakiimtu ka baxeen caasimada Muqdisho iyo goobihii ay ka talinayeen iyagoo ka bixitaankoodiina ay shaaciyeen in ay beddeleen dagaallada ay kula jiraan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka iyadoo habeen horena bam aan la garanayn cidda ka dambeysay lagu qarxiyay isla agagaarka Hargaha iyo Saamaha ee Km 4 halkaasoo ay degan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka.
http://www.goobjoog.net/news/128/ARTICL ... 01-07.html



