Luggoyo,
Somaalidu waxay ku maahmaahdaa ninkii walaan walaalkiis ayaa u miyir qabaÂ…maahmaahdaasi waxay ku fadhidaa xikmad weyn..Waayo waxay u mccno dhowdahay xadiiskii Nebiga CSW ee ahaa. Walaalkaa u hiili oo gardarada ka qabo, haddii laga gardaran yahayna uga hiili ka gardaraysanya.
Waxa aad tahay ruux aan xurmo weyn u hayo amarka Ilaahay, inkastoo aynaan haddana is aqoon. Ilaahay haddaan ka baqdo waxan aad ku jirto waa khalad aad u weyn. Adduunkaaga iyo aakhiradaadana maaha wax u fiicanÂ… Bal si quman u akhri waxan aan ku leeyahayÂ…And please ha I saarin qaartaÂ…It is just a sisterly adviceÂ…
Dalkeenu waxa uu dawlad la’aan ahaa 16 sanadood..Qof waliba ra’yi ayuu ka qaba sababta keentay inaan ahaano sidaa caloolxumida weyn…Aniga fekerka ii gaarka ah waxaa weeye: Maalintii dagaalka lagu qaaday xukuumaddii milatariga ahayd haddii si xaq ah loogu qaadi lahaa oo la odhan lahaa” Qori iyo qiiqiisa waa la isla tuura” Oo mid kasta oo xadgudub ku sameeyey maamulkii loo dhiibay, ama guud ahaamba maamulkii jirey oo dhan dhinac laga wada mari lahaa oo aan ahaan lahayn dad mabda’a ku dagaalamayaa… Maanta waxaan ahaan lahayn dad dawlad iyo calan iyo qaranimo leh..Mase dhicin nasiib darro waxaa dhacday inay sheekadu noqotey keliya “ Mareexaan ha dhaco, kaddibna ay sii gudubtey oo ay noqotey Daarood ama Faqash ha dhacdo… Taasi waxay keentay in habar meel yaanyo ku gadanaysaa ay badbaadi weydey… Meesha raggii ay qaarkood ahaayeen madaxweynayaal ku xigeen ama wasiiradii ugu boobka badnaa dalka ay dhex laafyoodaan Xamar…I don’t have to say their names..Laakiin Somaaliyi way istaqaanaa…
Maanta arrinkan aad aadka ugu celcelineysaa waa tii oo kale… “Majeerteen” Waa uun halkii berigii oo kale…Umad iska dhan oo Shiikh iyo Shariif leh, inaad maalin walba afka ku hayso waa xaaraan.. Inaad tidhaahdo “ Car yaa sheegi kara qof sharaf leh oo ku jira” Waa xaaraan iyana…
Walaalow dalkeena iyo dadkeenaba dembi ayaa laga galayÂ… Ma hawaysateen Xabashi iwm halkaa waxa ina dhigey waa hunguri aan la isu oggoleyn hoggaankii iyo xukunka dalka.Dembigaa intaa leÂ’eg ee laga galay Umaddeena dusha ha uga tuurin hal reerÂ…
Cabdilaahi Yuusuf dabcan reer ayuu ka dhashayÂ… Iyaga keliya ma dooran ee intii Kenya isugu tegtey ayaa doorateyÂ… Arrinkan yan la qabyaaladayn bay aniga ila tahayÂ…
Haddii ay wax kale jiraana noo sheegÂ…Laakiin walaal Allaah ka baqÂ…oo Majeerteen keligii ha saran waxa ka dhacaya dalkaÂ…Waxa ka dhacaya dalka waa qiimo jab ku dhacay dadkeenii(Raggeenii) iyo Iimaan la'aan..Taasna way ka siman tahay Somaaliyi...
Gartu Ilaahaybay taqaanaaÂ… Igana raali noqo haddaan kuu gefey.