The TFG are in danger.
Qaraxyo iyo rasaas xooggan oo caawa ka dhacay Muqdisho
Rasaas iyo qaraxyo xooggan ayay caawa 9-kii fiidnimo oo qadar daqiiqado dhiman is weydaarsadeen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya oo ilaalo adag ka hayay Hoteel Ambassador ee Magaalada Muqdisho iyo koox maleeshiyo oo weerartay, iyadoo hoteelkaasna la sheegay in uu degan yahay Gen. Cali Madoobe.
Ma jiraan warar xaqiijinaya ilaa iyo haatan qasaaraha rasmiga ee ka dhashay is rasaaseyntaas, waxayna sheegayaan dad ku dhow dhow deegaanka ay mashaqadaasi ka dhacday in qof uu ku dhintay, halka qof kalena uu dhaawac ka soo gaaray, waxaana halkaasi haatan isku gadaamiyay ciidamadda dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ku sugnaa xarunta CID iyo Hargaha iyo saamaha, mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda oo la xiriira dagaalkaasi.
Dhinaca kale tan iyo intii ay soo gaareen magaalada Muqdisho ciidamada dowladda iyo Itoobiya ee taageeraya waxaa isa soo taraya qaraxyada loo geysanayo, gaar ahaan Isgoyska N0.4 ilaa wadada 3-Biyano, waxayna dhacdooyinkii ugu dambeeyay ka dhaceen isgoyskaasi iyo wadada warshadaha oo shalay kolonyo ciidamadaasi lagu weeraray abaarihii 2:00-dii duhurnimo qiriga RBG-ga.
Wixii warar dheeri ah ee ka soo baxa is rasaaseyntaasi kala soco shabakada wararka darayga ee goobjoog.net
Abdikarim Ibrahim Adan (Ampacilin).
E-mail:
ampacalin@hotmail.com