Midnimo Information Center
mic 13 - 01 - 2007 - Wararkii ugu dambeeyay ee arrimaha Soomaaliya
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Lacag Culus ku soo rogtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
Xukuumadda RaÂ’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa Lacago fara badan ku soo rogtay dadka ka dhoofaya Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho iyo kuwa ka soo degaya Garoonkaas.
Sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah Shirkadaha Diyaaradaha ee isticmaala Garoonkaas qof kasta oo Soomaaliya waxaa lagu soo rogay lacag ka badan 100 Dollar, Lacagtaas oo la sheegay inay leedahay Dowladda Soomaaliya oo galayso qasnadda aan la ogeyn ee Dowladda.
“Qof kasta oo duulaya ama soo degaya waxaa laga doonayaa lacag dhan 150 Dollar, Lacagtaas waxaa ku xisaabtimaya Dowladda iyo Shirkadda Duulimaadka, qofkii doonayo inuu Lacagtaasi bixiyo wuxuu raacinayaa Lacagta Tikidka, micnaha Lacagta waxaa loo dhiibayaa Shirkadda kadib Shirkadda ayaa Dowladda ku wareejinaysaa”ayuu yiri mid ka mid ah howlwadeenada Garoonka Muqdisho oo diiday in Magaciisa la shaaciyo.
Lacagtan meel ay ka socoto iyo meel ay u socoto qofna ma Fahsan, mana jiro xubin ka tirsan Dowladda oo Lacagtan ka hadlay, mana muuqato baahi Dowladda Federaalka u qabto in dadka u dhashay waddanka Soomaaliya lacag intaan la ek lagu soo rogo.
Dad fara badan oo aanu la kulanay ayaa waxay inoo sheegen in ay la yaabin yihiin qaabka ay Dowladda u Maamushay Lacagta Garoonka Muqdisho gaar ahaan Lacagta laga qaadayo qofka imaanaya iyo midka dhoofaya.
Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradiin007@hotmail.com
Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya



