Reer Sool Sidee bay u arkaan dowlada Soomaaliyeed
Posted: Tue Jan 16, 2007 10:37 pm
Waxa maalmahan muuqda in dad badan oo Soomaaliyeed ay ka murugaysanyihiin waxa ka socda dhulkeenii iyo duulaanka qaawan oo laynagu soo qaaday. Qof fikirkiisa qoraal ku muujiya iyo mid gabay ku muujiyaba waxa badankooda ka dhadhamaysa in Soomaali oo dhami waxan ka masuul tahay. Waa idinku raacsanahay in cadurka Soomaalidu qabto oo la yiraahdo qabyaalad uu jabkeenna aabe u yahay. Tix yar oo aan beri tiriyey bay ka mid ahaayeen ereyadani, waxaana u arkaa in ay qabyaaladu ka mid tahay cudurada lakala dhaxlo ama la kala firsado:
Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge
Ina fagatay cadowgeenna waa, faas u hawl galaye
Ka fogaada waa cudur waqii, noo fidhsada gaare
Waxaan jeclaan lahaa, in aynu xasuusnaano in waxa maanta ina haysta ay ka masuul yihiin, dad tirsan oo isugu jira: tuug, munaafiqiin, calooshooda u shaqaystayaal, jiri, mooryaan, dabadhilif iyo khaaimiin oo ah kuwa u daran iwm. Waxaana ii muuqata markii qabyaaladu ina dishey oo aynu dhimanay in dugaagaasi maydkii Soomaalida sida geeltoosiyaha kala jiidanayaan. Habardugaag marka uu raq isugu yimaado waxa inta kale didiya libaaxa, bakhtiyahiigyadan aan soo tiriyeyna libaaxoodu waa dhabadhilif iyo khaain.
Laakiin, yaana la ilaawin in dadka Soomaaliyeed inta fayow iyo inta bugta inta fayoobi badantahay, bohol hadimo nin qodayna isagu ku dhici doono insha allaah. Waxaan ku darsanayaa maanta dagaalka qalinka gabaygan gaaban:
Duq gaboobey goor ay hurdado, soo degdegiweydey
Dirirkiyo haddii uu xidkaha, daawasho u aado
Ama diillin-caanood saqdhexe, dawga socoteeyo
Inkastuu yaraan door ahaa, diiq bidhaansiguye
Hadba meesha uu dayo haddii, ciiro yare daahdo
Doobnimo la dhaafuu hammiga, dib u xasuustaaye
Aniguna sidii daran horweyn, waayo laga daahshey
Ay dalawadii jeel murkaha, daafta marinweydey
Oo dibir jidhaanliyo xareed, dooni aragooda
Axmed gurey raguu duuliyiyo, duubcad baan jamane
Dabkii gurey xuseen iyo mataan, baygu soo duxiye
Sayid iyo darwiish iyo sengaa, dookhu tebayaaye
Danabtii lahayd calangubiyo, faarax baan deyiye
Digrigii bashiir iyo xarbaa, daahir ii noqone
Xornimada kuwii loo deldeley, yaygu soo degiye
Sida hooyo door ay dhashiyo, saygi laga dooxay
Oo digasho waartiyo xumaan, lagu dambaysiiyey
Aan duudsigaa helay arkayn, cid u dadaalaysa
Dalkayagu ka oy labada gelin, diifta uu qabo e
Waa kaa ilmada duugayoo, diilalyuu dhimane
Darar iyo hadduu xoodh lahaa, waa dacgudhayaaye
Maatadan sidii kayn dab galay, ololku diiraayo
Oo dawladay dhawrayeen, maanta dabar goysey
Oo kii jidhkiisu u danqado, daalin lagu sheegi
Waa waxan damiirkiyo caqliga, nooga daadegine
Ninka shalay adoogaa dilee, adi ku soo doontay
U dulqaado waa ceeb hadaad, daawo leedahaye
Waa iga digniin ereyadaan, soo dawinayaaye
Dakhar iyo intii uumiyaha, doog la kiciweydey
Ama qolo dufowdoo xiskii, laga dabayl-raacshey
Ama calan la duuboo sidii, derinta loo laabay
Ama dunida reer door ahaa, dabin ku aynfaadey
Nin shisheeye soo daadahshaa, loogu dawgalay e
Qofka khaain daaniyo dhibkii, laga dahsooneeyey
Oo waa danaystee u fili, diric walaalkiis ah
Daabgudin ha fiirsado siduu, damal u naafeeyey
Onkod wuxu daryaamana afeef, diillin baw xigiye
Dabka dhibicda soo raacayaa, daray la qiiqaaye
Anna ararta waxan daaliyoba, dulucdu waa meele
Soomaali duugeed intuu, meel dayacan yaalo
Ama dalow afkii lagu wadiyo, daaman gudohooda
Uu doqon cadaawe u tashaa, dabarka qoolaayo
Marna toosa kama deynayiyo, weerka haw dagane
Kol hadday daruurtii cusbayd, darab biyaynweydey
Oo kaan cadaawe u dabnayn, duurka lagu toogtey
Oo diricyadeenii hawada, laga duqaynaayo
Oo duunyadii laga meteley, ururo duulaan ah
Aan degel fayow lagu ogayn, wabiyo daantooda
Inkastoo allaa daaimee, diifi nagu raagtey
Aan xeer na deeqiyo samaan, cidina diidaynin
Oo nabad duqodiyo wanaag, uunku wada dooni
Mar hadday dugaag keensadeen, duban carruurteena
Oo diinta eebbiyo salliga, la isu diidaayo
Oo talo intii door ahayd, xabashi loo daayey
Xaq la duugey feedhaa dambaa, laga dilaacshaaye
Haadkii abraha loo dalbaday, yaa ku soo degiye
Doofaarta raacdiyo amxaar, sow ka durug maaha?
Dr. Abdullahi Hassan Mohamud
(Abdullahi Spanish).
Email: indhagube@yahoo.es
Xigasho: Somalitalk.com