Somaliland oo Noqotay Dalka Afrika ugu Dhegaysiga Badan Muusiga
--------------------------------------------------------------------------------
Somaliland oo Noqotay Dalka Afrika ugu Dhegaysiga Badan Muusiga ()
hadhwanaag 2007-01-17 (Hadhwanaagnews) Hargeysa (Jam)- Baadhitaan dheer oo lagu sameeyey dalal badan oo Afrika ah oo lagu dersayey dadku sida ay u kala jecel yihiin uguna kala badsadaan dhegaysiga muusiga iyo daawashada telefishannada, ayaa xaqiijisay, in Somaliland tahay dalka Geeska Afrika ugu TV-yada badan uguna dhegaysiga badan muusiga.
Sida ay qortay warbixin laga soo saaray daraasaddan, waxa ay ku eegtay cilmi-baadhistan dalalka Kenya, Uganda, Tanzania, Somaliland, Mozambique, Nigeria iyo Angola, waxayna ku sheegeen in Somaliland tahay ta ugu TV-yada badan dalalka Geeska Afrika, uguna badan xagga muusiga dhegaysigiisa – 71% daawashada telefishadana iyo 74% oo ah dhegaysiga muusiga. Tiradan ay soo saareen waxa ay ku tilmaameen in ay ku salaysan tahay, in waqtiyada firaaqada ah bulshada Somaliland ku dhammaystaan daawashada iyo dhegaysiga muusiga.
Dalka Angola ayaa warbixintu xustay in ay la siman tahay Somaliland oo ah dal ka goÂ’ay Soomaaliya, balse weli aannu caalamku aqoonsan, dalalka kale ee ku daba jiraana yihiin Nigeria iyo Koonfur Afrika, oo ay ku tilmaameen in muusigu sida cuntada oo kale u yahay dadka South Africa badankooda. Tanzania ayaa iyada warbixintu tiradaa ku sheegtay in 46% qudha ay dhegaystaan haddii laga bakhtiiyo TV-yada.
Waxa kale oo daraasadani sheegtay in dalka Uganda iyo Somaliland ay tirada dad ee waqtigooda firaaqada ah ku qaata muusigu yihiin 10-kii qofba ay toddoba ka mid ahi sidaa yeelaan, amase 76% guud ahaan tirada dadka ku nool labada dal ay muusiga ku dhammaystaan waqtigooda firaaqada.
Jamhuuriya Online




.......we need more idoor news in this joint.