Nin ganacsato ah oo toogasho lagu dilay bartamaha Caabudwaaq
Caabudwaaq 25, Jan.07 ( Sh.M.Network) Bartamaha magaalada Caabudwaaq ee gobolka G/gaduud ayaa maanta kooxo hubeysan ay ku dileen nin ganacsade ah oo si weyn looga yaqaan magaaladaasi, iyadoo ninkaasi ganacsadaha ah markii la dilayay uu ku sugnaa goobtiisa ganacsi.
Abaarihii 11: 30 kii barqanimo ee maanta ayaa ganacsade dukaan ku leh degmada Caabduwaaq waxaa lagu dilay goobtiis, iyadoo dilkiisa lala xiriirinayo aano qabiil oo xal laga gaaray sanadkii la soo dhaafay markii la kala qaatey diyo iyo Magdhow.
Dilkaan ayaa waxa uu dhacay xilli beesha ganacsadaha la dilay uu ka soo jeedo iyo beesha ninka wax dilay ay kal hore heshiis gaareen.
Ganacsadahan ayaa waxaa dilkiisa geeystay 3 nin oo sida la sheegay ku hubeysnaa qoryaha AK47, iyadoo markii dilka uu dhacay ka dib halkaasi ay isugu soo baxeen dad aad u fara badan oo si weyn uga naxay falkaasi.
Dadka magaalada Caabudwaaq ayaa ka cabsi qaba in arintaan ay ka sii darto, inkastoo odayaal iyo waxgarad ay wadaan dadaalo lagu qaboojinayo xiisaddani.
C/kariim Bulxan
Shabelle Media Network G/gaduud
E-mail us: info@shabelle.net


