I salute this Somali warrior who took out two Habash straight up gangsta commando style. He reminds me of the Shifta in NFD who scared the crap out of the Kenyans.
Labo Askari oo ka mid ah Ciidamada Itoobiyaanka ayaa lagu dhaawacay magaalada Kismaayo, inksatoo hal Askari uu dhaawcii soo gaaray uu u geeryooday.
Hobyonet. Muqdisho. Khamiis, Jan, 25, 2007
Labadaan Nin oo ka mid ahaa CIidamada Itoobiyaanka ah ayaa waxey ka iibsanayeen Record iyo alaabo kale Suuq ku yaal magaalada Kismaayo.
Labada Nin ayaa waxaa toogasho la beegsaday hal nin oo watay Bastoolad waxuuna labaadaasi Askari uu kaga dhuftay xabada Madaxa, waxuu kaloo ninkaasi adeegsaday Toorey .
Ninkaasi ayaa waxuu ka qaatay qoryihii ay wateen Ciidamadaasi Itoobiyaanka ah, lamana garanayo halka uu cirib iyo jaan dhigay.
Suuqyaraha Magaalada Kismaayo oo arrintani ka dhacday ayaa waxaa loo laabay Albaabada , taasoo Rabshadii halkaasi ka dhacday ay sababtay in dadku ay halkaasi isaga dareeraan.
Warar kale ayaa sheegaya in Xirirtaanka Goobaha ganacsiga ay ka dambeeyeen Ciidamada dowladda Federalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah, kuwaasoo markii falkaan uu dhacay kaddib soo gaaray goobta Suuqyaraha magaalada.
Goob joogayaal ayaa ku soo waramaya in la xir xiray dad rayid ah oo goobtaasi ka agdhowaa isla markaana aan ku lug laheyn falkaan balse ay ciidamadu sheegeen in ay ka shakisan yihiin.
Maslax Osmaan
Hobyonet. Muqdisho Soomaaliya
Maslaha1@hotmail.com