Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Puntland: The Lil Camel Following The Big Camel Footsteps? !

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
Daanyeer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15781
Joined: Tue Aug 12, 2003 7:00 pm
Location: Beer moos ku yaallo .biyuhuna u muuqdaan

Puntland: The Lil Camel Following The Big Camel Footsteps? !

Postby Daanyeer » Sat Jan 27, 2007 2:02 pm

GAALKACYO: Musuq maasuqii ka bilowday Cadde iyo Gaa-gaab oo saamayn ku yeeshay Ciidanka Booliiska Puntland oo laaluush ka qaatay rag lagu xakumay 4 sano oo Xarig ah


Posted to the Web Jan 26, 02:04


Garoowe Sadpp) - Desember 18-keedii oo laga joogo hal bil iyo Asbuuc ayaa Gabar u dhalatay deegaanada Puntland iyo dad kale oo la saarnaa babuur ku socday magaalada Gaalkacyo koox burcad ahi ay dhac iyo kufsi ugu gaysteen bartamaha magaalada Garoowe ee xarunta dawlada goboleedka Puntland.

Baaritaan ay sameeyeen Ciidamada Nabadgelyada Garoowe ayaa waxaa u suurta gashay ciidanka booliiska inay si deg-dega ay gacanta ugu soo dhigaan ragii falalkaas ka danbeeyey , markii danbena maxkamad ku taala isla caasimad Garoowe la soo taagay.

Shaqsigii ugu yaraa ayaa Maxkamadu waxay ku xakuntay 4 sano oo xarig ah , kuwa kalena waxaa lagu xakumay hadba danbiyada ay galeen intuu le ekaa.

Si kastaba , Xukunkaas markuu dhacay ayaa kooxihii la xukumay waxaa loo dhaadhiciyey Xabsi ku yaal magaalada Gaalkacyo. Waqtigii la xiray danbiilayaashan 20 casho kaddib waxaa la arkay ragii burcada ahaa oo xukunku ku dhacay oo magaalada dhex-mushaaxaya , arrintaas oo ay shacabka puntlad siiba kuwa caasimada Garoowe ay ku noqotay arrin la yaab leh.

Danbiilashaan ayaa danbiyada isugu jira kufsiga iyo dhaca waxay geysteen 18-kii Desember oo ay ku beegnayd waqti habeen ah.Shacabka Garoowe markii waaberigii ay ka warheleen dhacdan foosha xun oo markii ugu horaysay taariikhda ka dhacada Garoowe ayaa waxaa magaalada ka dhacay banaan-bax ay dadku ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan falkan , booliiskana gobolkana looga cabanayo dhibaatada ka dhacay caasimada Garoowe.

Ragan burcada ah ee xukunku ku dhacay , waqtigii la xiray kabacdiina dhaantood ay ahaayeen banaan joogayaal ayey arrintani waxay cadaynaysaa Maamulxumada ay maanta Puntland ay ku jirto iyo sida ciidamada Booliiska Puntland ay laaluushka uga qaataan dadka u xiran howlaha burcadnimada ah.

Dad badan oo Garoowe ku nool oo dhacdadan aan wax ka weydiinay ayaa sheegay inay arrimahani ay yihiin kuwo aan horay looga maqal deegaanka Puntland " Weligeed Puntland kama dhicin in niman danbiileyaal ah oo caasimada ama meel kale dhibaato ka geystay oo la xukumay oo la xiray in hadana banaanka lagu arko , taasina waxay natusinaysaa sida maamulka hada Puntland hayaa uu u baylihiyey nabadgelyadii iyo kala danbeyntii deegaanada Puntland ". ayuu sheegay jaamac Cali oo ku nool magaalada Garoowe.

Dhacdadan ayaa noqonaysa mid indhaha u furta mar labaad, dhiirigelin kartana kuwo badan oo horay loo xakumay , markay sanado badan soo la qeena kaddib ka toobad keenay falalkii ay ku dhici jireen.

Arrimahan oo dhan waa arrimo aan sahlanayn , hadii hay'adihii dowlada ee dhanka Amaanka u xilsaarnaa sida Booliska ay lacag la'aani ku dhacdo oo aan mushaar la siin , lacagaha Puntland ka soo gala canshuuraha sida Dekeda iyo Garoomada ay ku dhacayso shaqsiyaad kooban, oo ay ugu horeeyaan Gaagaab iyo Cadde Muuse oo isku qiray inay hantida wadanka ay kala qaybsadaan , markaa waxaa suurta-gal noqotay in booliisku ay qaataan Laaluush , oodana ay ka qaadaan danbiilayaal wadanka fawdo ka riday oo la xakumay hadana banaanka ka jooga xabsiga sida tan hada dhacday oo kale.

Waxkasta oo ka dhaca Puntland oo musuq maasuq ah, dhibaato saas u weyn ku keeni mayso nabadgelyada Puntland shacabkuna waa kuwo u diyaara marwalba inay ka hortagaan fowdada , hadii dowladii maamulka gacanya ku haysay ay noqdeen oo kaliya kuwo NGO- ah oo gaarkood u shaqaysta , dana aan ka lahayn nabadgelyada Puntland.

Puntland waxay jirtay Cadde Muuse iyo Gaa-gaab oo qaxooti ah , waxaase mudan in labada la ogeysiiyo ( War ha uhorseedina qas iyo laaluush bulsho laaluush ka ladnayd , talada runta ah waxay tahay inaad tixgelisaan rabitaanka shacabka Puntland oo marwalba jecel in dalku dhismo , dadkuna ay cadaalad iyo nabad-gelyo ku noolaadaan. Hadaad noqoteen kuwa masuuliyadoodii gabay, waxaa idiin wanaagsan inaad doorasho deg-dega aad soo hormarisaan si dalka loo samato bixiyo , hogaankana ay ula wareegaan kuwo dalka u daacada).

Jaamac Cali Xaashi
Puntlandpost, Gaalkacyo, Soomaaliya

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 55 guests

cron