Page 2 of 3

Re: This Why Somali 'Reconciliation' Is Still ILLUSSION !!!!!!!!

Posted: Mon Feb 12, 2007 3:31 pm
by Demure
Lol...Still that would have been sustainable compared to the situation we're in today. Collectively dying slowly of cancer.

Adeer is undoubtfully greedy and self centered in addition to being a little kuku for coco puffs!

Re: This Why Somali 'Reconciliation' Is Still ILLUSSION !!!!!!!!

Posted: Mon Feb 12, 2007 3:33 pm
by AbdiWahab252
Demure, I won't say any more of my father's good friend of more than 30 years.

Btw, are u his niece the one in the National Geographic magazine Smile

Re: This Why Somali 'Reconciliation' Is Still ILLUSSION !!!!!!!!

Posted: Mon Feb 12, 2007 3:43 pm
by Demure
Ha ha, have you been snooping around?

No, you are a little off mark here Cool

Re: This Why Somali 'Reconciliation' Is Still ILLUSSION !!!!!!!!

Posted: Mon Feb 12, 2007 3:48 pm
by AbdiWahab252
Laughing Laughing Demure, Lets just leave it at that ....

Re: This Why Somali 'Reconciliation' Is Still ILLUSSION !!!!!!!!

Posted: Wed Feb 14, 2007 2:20 pm
by Daanyeer
Beel ku eedeeysay mid ka mid ah beelaha dega gobolka J/hoose iney ka dambeysay qaraxcii shalay ka dhacay Kismaayo

Source: deyniile


Odayaasha iyo waxgaradka beesha Sadde oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa cambareeyey qaraxii shalay ka dhacay banaanbax ka socday beerta xoriyada ee magaalaadaasi oo dadweyne fara badan ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda iyo dadweyne kale, iyagoo ku eedeeyey iney ka dambeysay qaraxaasi mid ka mid ah beelaha dega gobolka J/hoose.

Afhayeen kulankaasi uga hadlay beesha Sadde oo lagu magacaabo C/naasir ayaa sheegay in ujeedada qaraxaasi laga lahaa ay tahay sidii khilaaf iyo khalalaase looga abuuri lahaa magaalaadaasi, isagoo dhinaca kale sheegay in qabqabashada lagu hayo culumaa’udiinka magaalaadaasi ee lala xiriiranayo qaraxii shalay ay tahay mid qalad ah oo isla markaana maxaakiimtii ka baxay Kismaayo aaney ka dambeynin qaraxaasi.

Dhinaca kale odayaasha iyo waxgaradka beesha Sadde ee ka qeyb galay kulankaasi ayaa gaashaanka u daruuray maamulka cusub ee madaxweyne Yuusuf uu u magacaabay gobolka J/hoose, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay marka loo eego qaab dhismeedkiisa mid cadaalad daro ay ka muuqato, isla markaana beelaha gobolka aan cuntameynin, waxayna ugu baaqeen madaxweynaha inuu arintaasi dib uga fiirsaddo wada tashina kala sameeyo beelaha dega gobolka.



CabdishakuurCilmi Xasan, Muqdisho, Somalia

Re: This Why Somali 'Reconciliation' Is Still ILLUSSION !!!!!!!!

Posted: Fri Feb 16, 2007 2:25 pm
by Daanyeer
Maamulka M/Dheere oo weli hortaagan maamulkii Prof. Geeddi u magacaabay gobolka Sh/dhexe iyo dowladda federaalka oo aan wax talaabo ah ka qaadin

Source: deyniile

Maamulkii uu ra’isul wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi u magacaabay gobolka Sh/dhexe ee guddoomiyaha looga dhigay Maxamed Cumar Deelle 27-kii Janaayo ee sanadkan ayaan ilaa hadda ka howl gelin xafiisyadii maamulka ee magaalada Jowhar ka dib markii uu arrintaasi uu iska hortaagay maamulkii u madaxda ka ahaa Maxamed Cumar Xabeeb (M/dheere) oo iyagu weli diidan in maamulka cusub ay ku wareejiyaan xilalkii ay hayeen iyuo maamulka intaba.

Inkastoo Maxamed dheere uu isagu horey u sheegay inuusan ku qanacsaneyn qaabka wax loo soo magacaabay balse uu diyaar u yahay maamulka inuu xilka guddoomiyenimada gobolka wareejiyo ayuusan ilaa hadda Maxamed dheere ku guuleysan fulinta arintaasi, lamana garanayo sababaha dhabta ah ee arrintan wallow ay jiraan warar hoose oo sheegaya in Maxamed dheere uu doonayo in xil loo magacaabo ka hor inta uusan xilka gobolka Sh/dhexe wareejin taasoo dhowaan uu kala hadlay kulan uu madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed kula yeeshay magaalada Baydhabo inkastoo kulankaasi aan la ogeyn waxa ay isla garteen ayaa haddana waxaa muuqata in howlihii gobolkaasi ay laalan yihiin habacsanaan badana ay ka muuqato taasoo keentay in kooxo burcad ah ay ka faa’iideystaan kuwaasoo bilaabay iney jidka u galaan dhacna u geystaan baabuurta isaga goosha magaalaadan Muqdisho iyo gobolada dhexe ee Soomaaliya ka dib markii ciidamadii gobolkaasi ay saameyn ku yeelatay maamul la’aanta gobolka ka jirta.

Dhinaca kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaan iyadu weli wax war ka soo saarin is hortaaga uu Maxamed dheere is hortaagay maamulkii loo magacaabay gobolka Sh/dhexe iyo qaabka la doonayo in arintaasi lagu maareeyo, waxaana Maxamed dheere oo noqday hogaamiye kooxeedkii ugu horeeyey ee ka soo horjeesta wareegto ka soo baxday dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo weliba sheeganaya inuu taageersan yahay siyaasadeheeda.

Cabdishakuur Cilmi Xasan, Muqdisho, Somalia

Re: This Why Somali 'Reconciliation' Is Still ILLUSSION !!!!!!!!

Posted: Fri Feb 23, 2007 3:23 pm
by Daanyeer

Re: This Why Somali 'Reconciliation' Is Still ILLUSSION !!!!!!!!

Posted: Fri Feb 23, 2007 3:27 pm
by Alluring
Daanyeer, for someone who makes their living off of copying and pasting materials in English, how come you can't spell?

Re: This Why Somali 'Reconciliation' Is Still ILLUSSION !!!!!!!!

Posted: Fri Feb 23, 2007 3:50 pm
by ABSAME'
Daanyeer is very logical. don't just look at his nick.

Re: This Why Somali 'Reconciliation' Is Still ILLUSSION !!!!!!!!

Posted: Tue Mar 06, 2007 2:34 pm
by Daanyeer
Xildhibaan Saleebaan Colaad Rooble ““C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi waxay qorsheynayaan iney xilka ka qaadaan Prof. Dalxa waxaana taasi cadeynaya…”


Xildhibaan Saleebaan Colaad Rooble oo ka mid ah xubnaha baarlamanka federaalka Soomaaliya ee ku fekerka ah guddoomiyihii baarlamanka ee xilka laga xayuubiyey ayaa ku eedeeyey mas’uuliyiinta sare-sare ee dowladda federaalka iney ku howlan yihiin qorshe xilka looga qaadayo guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee baarlamanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa, iyagoo damacsan buu yiri in kursigaasi ay ka wareejiyaan beelaha Jareerweyne oo uu tilmaamay iney ku heleen awood qeybsigii beelaha Soomaaliyeed ee lagu saleeyey dhismaha dowladda.

“C/llaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geeddi waxay qorsheynayaan iney xilka ka qaadaan Prof. Dalxa waana iska cadahay in Prof. Dalxa oo hadaba banaanka laga geeyey howlihii baarlaamanka tan iyo intii uu dalka ku soo laabtay la doonayo in kursigaasi laga qaado, waxaana taas ugu wacan markii uu Boqore sheegay inuusan ka hoos shaqeyneynin nin jareer ah, ayaana Xamar guddoomiye ku-xigeen looga dhigay, waxaana muuqaneysa in madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha aysan wax xushmad u aheyn beesha Jareerweyne” ayuu yiri Xildhibaan Saleebaan Colaad Rooble oo isagoo ku sugan magaalada Asmara ee dalka Eritreya, kana mid ah xubno uu hogaaminayo Shariif Xasan la soo xiriiray xarunta shabakadan ee Muqdisho.

“Beesha Jareer weyne waa iney ku baraarugaan nimanka leh shiniyey xagee kuu nugul oo cadaalaada darada wada” ayuu yiri xildhibaanka oo dhinaca kale ku eedeeyey xubnaha baarlaamanka ee ka soo jeeda beesha Jareerweyne iney indhaha ka qarsanayaan in la laga xayuubiyo kursigii ay xaqa ugu lahaayeen.

“Xildhibaanada beesha Jareer weyne ee ku jira baarlamanka waa iney ogaadaan in kursigaasi uusan Dalxa laheyn ee ay leedahay saami ahaana u heshay beesha Jareerweyn, waana inaad difaacdaan, haddii aad sidaa yeeli weydaana waxaad noqoneysaan kuwo gabay wixii ay dhaarteen” ayuu hadalkiisii ku soo afjaray xildhibaan Saleebaan Colaad Rooble oo ka tirsan xubnaha mucaaradka ah ee baarlamanka Soomaaliya.



Xafiiska Muqdisho, Somalia


News Update in English www.dayniileone.com

Re: This Why Somali 'Reconciliation' Is Still ILLUSSION !!!!!!!!

Posted: Thu Mar 08, 2007 3:13 pm
by Daanyeer

Re: This Why Somali 'Reconciliation' Is Still ILLUSSION !!!!!!!!

Posted: Thu Mar 08, 2007 3:26 pm
by sadeboi
[quote]
Yesterday Hiiraale was fighting against Maxamud Sayid[/quote]


That never happened dude.

Re: This Why Somali 'Reconciliation' Is Still ILLUSSION !!!!!!!!

Posted: Sat Mar 10, 2007 3:47 pm
by Daanyeer
Qaylo-Dhaanta Ku Wajahan Maamulka Dowladu Ka Samaysay Gobolada Juba-land Oo Sii Kordhaysa ..

Waxaa isa soo taraya qaylo-dhaanta iyo cabshooyinka ku aadan maamulka ay ka samaysay dowlada kmg ahi gobolada jubooyinka iyadoo kulamo isdaba jooga oo ay yeesheen beelaha degaanka waamo ay isku afgaran wayeen islamrkaana kala qaybsan siyaasadeed oo xoogan uu halkaas kasoo ifbaxay ...

taasoo ay kasoo saareen baaq ay kaga hadlayaan xaalada dhabta ah ee ka jirata halkaas aqoon-yahano iyo isimo kasoo jeeda beesha siciid harti(dhulba-hante) waxaana baaqan ku saxiixnaa nabadoon xaaji cabdi yare iyo ing,caydiid saleebaan xaashi,waxuuna u qornaa sidan:

Markaanu araganay xaalada dalku marayo isalamrkaana isla gofayanay sida ay dowlada Embaghati wax u maamulayso ,ugana fog-tahay xaqiiqda iyo xeerarka waafaqsan shuruucda u degsan dalka islamarkaana ugu qotonto hab beeleedka lagu doonayo in dalka oo dhan lagu dhaxal siiyo beesha ina yuusf yey ayaanu waxaanu isla garanay inaanu kala noqono kalsoonida anagoo eegayna soomaali-nimada iyo umad ahaan masiirka danaha dadka reer juba-land .

waxaanu u sheegaynaa shacabka reer juba-land ee ku abtirsada beeshan siciid harti inay kafogaadaan wax kasta oo lagu doonayo in lagu lumiyo masiirka umada ay kasoo jeedaan islamrkaana waxaanu ugu baaqaynaa dadka reer juba -land ee beeshan ah inay gartaan danaha dadka ay wada nool yihiin islamarkaana taageeraan nabada.

waxaanu kasoo hor jeednaa musuq-maasuq ,diin,;la,aan ,siyaasad aan meelna gaarsiisnayn ,keligii taliye iyo weliba waxii aan dan u ahayn umada reer juba-land oo dhan ,waxaanu kasoo hor jeednaa wax kasta oo keeni kara colaad iyadoo ay soo baxayaan mad-madow durba soo galay gobaloda juba-land oo ay isa siinayaan hal beel oo ah beesha majeerteen.

Ugu dambayntiina waxaanu ugu baaqaynaa umada soomaaliyeed inaanu kasoo horjeedno si cadna aanu u qeexayno musuq-maasuqa ay wadodowlada Embaghati islamrkaana umada soomaaliyeed u sheegayno anagoo ku hadalayna magaca beesha siciid harti (dhul-bahante) inay kahor tagaan caburinta siyaasadeed iyo ku tag-rifalka masiirka umada soomaaliyeed ee ay wadaan maamulka c/laahi yuusuf ...

wa billaahi towfiiq
beelaha juba-land

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Re: This Why Somali 'Reconciliation' Is Still ILLUSSION !!!!!!!!

Posted: Fri Mar 16, 2007 3:19 pm
by Daanyeer

Re: This Why Somali 'Reconciliation' Is Still ILLUSSION !!!!!!!!

Posted: Fri Mar 16, 2007 3:22 pm
by DawladSade
daanyeer is obsessed with gedonet, must be his favorite website Laughing Laughing