Gabay: Tolow Raggu miyuusan Raggii ahayn?
Gabaygan waxaa tiriyay Axmed Fure oo ka tisan beesha dulman. Axmed waxa uu layaaban yahay ragguu la noolaan jirey oo ficilada iyo dhiigga lahaa iyo raggii ka danbeeyay siday ukala du wan yihiin. Wuxuu Abwaanku isweydiinayaa masiibada Ragga maanta jooga ee Beeshan ka mid ah ku habsatay iyo isbadalka ku dhacay.
Wuxuu Abwaanku yidhi:
Inay dunidu Shiigii tahoo laga shufsiinaayo
Ama inuu shilkeedii galoo shayna ka hadhaynin
Shiidaadi mooyee inuu sharafka leexeeyay
Shiddadii Qiyaamuu inay sheeda ka caddaatay
Shuftadaba raggii laga bartiyo sharaxa duulaanka
Gabooyaa shinbirahaa noqdoo shicibku laayaaye
Shan kun oo ragoon lagu ogayn shar iyo khaytoona
Oo naagahaa lagu shabahay shaadirka hagoogan
Sharcigayna faray waa kuwuu shuufay Nabigiiye
Hana sheeganina waxaydin dhalay malaha Shaydaane!
Abdi Duse
abdi_duse@yahoo.fr