DF oo Malishiyad ka qoraneysa Hiiran
4 Feb 4, 2007, 04:28
Maamulka cusub ee gobalkaiiran ayaa bilaabay qorshe ay Maleeshiyooyinka deegaanka ugu aruurinayaan dowlada Federaalka, si ay ugu mid noqdaan ciidamada DF.
Maalmihii ugu dambeeyay ayaa magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan waxaa ka socday olole ay wadeen maamulka gobalkaasi, kaasoo lagu diiwaan galinayay maleeshiyaad daneynaya inay kamid noqdana ciidamada DF.
Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Xuseen Max'ud Maalin ayaa sheegay inay isa soo diiwaan galiyeen 1200 oo Maleeshiyo, kuwaasoo daneynaya inay kamid noqdaan ciidamada DF.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in Maleeshiyaadkan tababaro lagu dhaqan celinayo dhawaan dowlada Federaalka ay u furi doonto, balse waxuu sheegay inay aqbali doonin nin aan wadan qorigiisa inuu kusoo biiro Malishiyaadkan la diiwaan galinayo.
"Ma jiraan qorshe ay dowlada Federaalka qori ku siineyso askarta la diiwaan galinayo, sidaasi darteed qofkii doonaya inuu kamid noqdo ciidamada DF waa inuu qorigiisa horey usoo qaataa," ayuu yiri Xuseen Max'ud Maalin.
Gobalka Hiiraan ayaa xiligaan waxaa ku sugan ciidamo ka yimid Puntland kuwaaso la filayo in dhawaan lasoo gaarsiiyo magaalada Muqdisho si ay u caawiyaan ciidamada Booliska DF ee Muqdishoa amnigeeda sugaya.
Cabdi Fatax Axamad,GO




