http://www.carmooyin.com/News/images/to ... CN6226.JPG
Kismaayo: Ciidamo laga soo aruuriyay gobolada Jubboooyinka oo tababar maanta ugu furmay xerada ciidamada Lugloow.
Khamiis, February 08, 2007
Kismaayo(AllPuntland)- Ciidamo laga soo aruuriyay gobolada Jubbooyinka iyo Gedo gaar ahaan degmooyinka Kismaayo, Afmadow, Jilib, Garbahaarey, Luuq, Bu'aale iyo deegaano kale ayaa maanta ugu furmay tababar ciidan oo in mudo ah socon doona.
Furitaankii tababarkan ayaa waxaa xariga ka jaray Taliyaha Guutada sadaxaad ee ciidamada Dowladda Federaalka KMG ah ee gobolada Jubbooyinka C/llaahi Sh. Ismaaciil (Fartaag) oo halkaasi ka hadlay, wuxuuna sheegay in ciidamadan ku biiri doonaan marka ay dhameystaan tababarkooda dowladda Federaalka, wuxuuna ku booriyay in ciidamadan in tababarkooda ay si wanaagsan u dhameystaan.
Saraakiishii maanta ka hadashay halkaasi ayaa waxaa ka mid ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Dowladda Itoobiya oo sheegay in tababarkan muhiimad gaar ah u leeyahay ciidamada, isagoo intaa raaciyay in dowladda Itoobiya ay kaalin buuxda ka qaadan doonto sare u qaadista tababarada iyo milateriga ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Tababarkan oo qeyb ka ah tababaro ka socda qaar ka tirsan gobolada dalka Soomaaliye iyadoo gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan xerada Bali-Doogle uu ka socdo tababar noocaan oo kale ah.
Cali Sandheere
AllPuntland, Muqdisho




