Jen. Naaji “Beelaha Muqdisho waa Hawiye, mana yeelayaan in madaxweyne Daarood ah uu xukumo, Cali Mahdi, Ceydiid, iyo C/qaasim-na waa ka hor yimaadeenâ€
Abaanduulihii xilka laga qaaday ee ciidamada xooga dalka Soomaaliya Jen. Ismaaciil
Qaasim Naaji oo wareysi dheer siiyay wakaaladda wararka ee SABA ayaa sheegay in
beelaha Hawiye ay yihiin cudur dowlad-diid ah isla markaana madaxweyneyaal badan oo
soo maray dalka Soomaaliya ay ka hor yimaadeen qaarkoodna ay isla iyaga ka dhasheen.
“Colaadihii u dhaxeyn jiray beelaha hawiye iyo Daarood waxay ku saleysnaan jireen
dhul, Daaqsin, Xoolo iyo wax lamid ah, laakiin wey is bedeshay tusaale ahaan
madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa la isku dayay in la khaarajiyo mar lagu qarxiyay
magaalada Baydhabo iyo mar hoobiye lagu weeraray xarunta Villa Somalia,
sababtaasina xaqiiqadeeda waxa weeye: beelaha jooga halkan Muqdisho waa Hawiye, mana yeelaan oo raali kama ahan in madaxweynaha Jamhuuriyadda uu Daarood noqdo, mana yaqaanaan Dimuqraaiyadda, maxaa yeelay 16 sano ayay Muqdisho fadhiyeen midkoodna waa awoodi waayay inuu dowlad ka dhiso ha ahaado Cali Mahdi, Jen. Ceydiid, iyo xitaa C/qaasim Salaad oo wada ahaa Hawiye†ayuu yiri Jen. Naaji.
Sidoo kale, mar la weydiiyay inay macquul tahay inuu fashilmo madaxweyne C/llaahi
Yuusuf ayuu yiri “Maya, sax maahan taasi, cid kasta ha jeclaato ama ha necbaato
madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxay ogyihiin inuu yahay ninkii ku haboonaa xaaladan
adag, qof kasta oo Soomaali ah waa ogyahay inuu doonayo soo celinta dowladnimadii,
qaranimadiiyio xasiloonidii, kuwa ka soo horjeedana ma doonayaan dowlad iyo nabad
midnaâ€.
Intaas kadib waxaa la weydiiyay waa maxay sababtaasi, wuxuuna mar kale yiri “Sababta
waan kuu sheegayaa …. Magaalada Muqdisho ma joogaan iminka shacabkeedii rayidka ahaa waxayna hadda ku sugan yihiin Kanada, Mareykanka, Australia iyo Ingiriiska micnaha
waa inay dibedda uga baxeen dalka, Muqdisho waxay hadda noqotay magaalo ay degan
yihiin reer Miyiga ka yimid degaanada Goboladda dhexe, waxay qabsadeen Guryihii reer
magaalka ka qaxay, waxay la wareegeen hantidoodii guurtada iyo ma guurtada iyo
beerahoodii sidaas darted waxay ka baqayaan in laga dalbado inay soo celiyaan
hantidaas ay dhaceen, wixii reer magaalku lahaan jiray waxaa hadda lahaaday reer
Miyiga, marka xaal sidaas yahay, xukuumad walba oo timaada waxay noqoneysaa inay soo afjarta damacooda†ayuu yiri Naaji oo xusay in Geel jire magaalo yimid ee xoog ku qabsaday guri Fillo ah iyo beer uusan aqbali kareyn in laga qaado, sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale, waxa uu ka hadlay in illaa 5 bilood ay qaadan doonto dhismaha ciidan
dowladeed oo awood u leh wax ka qabashada ammaanka caasimadda iyo dalka Soomaaliya oo dhan isla markaasina ay bilaabeen aas aaska ciidamadaasi.
Hadalka Jeneraal Ismaaciil Qaasim Naaji ayaa meel ka dhac weyn ku ah, beelaha dega
gobolada dhexe ee Soomaaliya oo la yaqaano tiradooda, sidoo kale, waxa ay meel ka
dhac ku tahay sharafta iyo dhex dhexaadnimadii ay ka sugayeen beelaha Qaranka
Soomaaliyeed ee wasaaradiisu la doonayay inay udub dhexaad u noqoto, inkastoo
xalayba uu waayay xilkiisii Abaanduulaha ciidamada.




