Maraykanka oo Siyaasadii uu ku watay Hogaamiye kooxeedka ku xawilay dhinaca Maxaakiimta
Last Updated::2007-02-04 17:40:16
HRNet:- Waxaa lagu wadaa in dalka Yemen ay kulamo dheeraad ah ku yeeshaan
Saraakiisha Maraykanka iyo xubno kamid ahaan jiray Maxaakiimta oo lagu tilmaamay Qunyar socodka.
Maraykanka ayaa hada wada qorshe cusub oo uu ku baadi goobayo Dowlad uu ku magacaabay "Salbalaar".
Maraykanka oo asagu horey u maal gelin jiray Qabqablayaashii dagaalka ee laga saaray Muqdisho ayaa hada u muuqda inuu markale isku dayayo in kaalintii ay ka gaabiyeen Qabqablayaasha in ay buuxiyaan xubno uu ku tilmaamay Qunyar socodka Maxaakiimta.
Inta aysan dadku ku jahwareerin qorshaha Maraykanka ee Soomaaliya, waxaa laga maarmaan ah in dib loogu noqdo taariikhda aan fogeyn ee dhamaadkii Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliya.
Maraykanka iyo Somaliya 2004
Dowlada Maraykanka oo ayadu kamid ahayd dalalkii kamid ahaa Reer Galbeedka ee balan qaaday in ay taageeraan waxa kasoo baxa Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliya, ayaa sidoo kale kamid noqday dalalkii dib uga gurtay shirkii Soomaalida, kadib markii la dhameystiray Baarlamaanka iyo Xukuumada.
Dib u gurashada Maraykanka ayaa ahayd mid siyaasadeed iyo mid dhaqaale, ayadoo lacagtii iyo kharashkii uu balan qaaday inuu ku kabayo Shirkii dib u heshiisiinta uusan bixin, ayadoo ay dhabarka u riteen dalal dhawr ah oo kamid ah Midowga Yurub.
Maraykanka ayaa la rumeysan yahay in uu taageerayey shaqsiyadaad kamid ahaa musharixiintii isu soo taagay xilka Madaxweynaha wakhtigii uu shirka Dib u heshiisiinta Socday.
Doorashadii Madaxweynaha oo uu ku soo baxay Col.C/laahi Yusuf Ahmed ayaa noqotay mid ay niyad jab ku noqotay Dowlada Maraykanka oo ayadu la sheegay in ay wadatay xubno siyaasiyiin ah oo ka dhex muuqday doorashadii ka dhacday Nairobi sanakdii 2004tii.
Hadaba waxaa is weydiintu tahay Maraykanka muxuu ku diidanaa C/laahi Yusuf Ahmed oo asagu markaasi kamid ahaa hogaamiyaashii ugu waaweynaa ee shirkaasi ku sugnaa.
Arrintaasi ayaa si toos ah salka ugu heysa xiriirka siyaasadeed ee ka dhaxeeya Dowlada Itoobiya iyo hogaamiyahaasi Soomaaliyeed oo hada ah Madaxweynaha dalka Soomaaliya.
Maraykanka iyo Itoobiya
Dowladaha Maraykanka iyo Itoobiya ayaa in dhawaale dhinaca siyaasada isaga soo horjeeday arrimo la xariira Qorshaha cusub ee Xukuumada Bush ee ah taageerida xisbiyada Amxaarada ee dalka Itoobiya.
Xiriirka u dhaxeeya Xukuumada Washington iyo xisbiyada Mucaaridka ah ee dalka itoobiya ayaa la sheegaa inuu ka weyn ama ka fiican yahay xiriirka siyaasadeed ee labada dowladood ee Bush iyo Zenawi.
Xiriirka Xukuumada Bush iyo Mucaaridka Itoobiya ayaa laf dhabar u ah xubno kamid ah Golayaasha Senateka iyo Congreska Maraykanka oo aaminsan in dalka Itoobiya dib maamulkiisa loogu soo celiyo hogaankii soo jireenka ahaa ee qowmiyada amxaarada oo in badan kasoo talineysay dalka Itoobiya.
Waxaa taasi usii dheer xubnaha kamid ah Xukuumada hada ee dalka Maraykanka ee xisbiga Jamhuuriga ee George W Bush oo ah xisbi aaminsan in Diinta Kirishtaanka ay xoog ku yeelato Dunida, ayaa u arka dalka Itoobiya, dowlada ugu weyn ee Kirishtaanka ah ee Bariga Afrika.
Walow ay hada wiiqday Awoodii Kirishtaanka ee Itoobiya, kadib markii uu xilka gacanta ku dhigay Melez Zenawi oo kasoo jeeda Qawmiyad laga badan yahay, isla markaana taageero badan ka dhigtay Qawmiyadaha kale ee aan u badneyn Kirishtaanka.
Maraykanka iyo Qabqablayaashii dagaalka
Kadib doorashadii shirkii Dib u heshiisiinta Maraykanka wuxuu bilaabay olole cusub oo uu ku doonayo inuu ku wiiqiyo awooda xubnaha xiriirka laleh xukuumada Zenawi ee ku dhex jira Dowlada Federaalka.
Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xiriir wanaagsan laleh Melez Zenawi Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya.
Maraykanka ayaa wakhtigaasi bilaabay inuu abaabulo Qabqablayaashii dagaalka ee Muqdisho, isla markaana ku dhiiri geliyey in ay carqaladeeyaan codkii Baarlamaanka Somaliya loo qaaday in dalka Soomaliya la keeno ciidamo IGAD Ka socda oo ay dalalka safka hore ku jiraan, arrintaasi oo uu Maraykanka ku guuleystay inuu fashilayo, ayadoo feer iyo kursi tuur kusoo dhamaaday Kalfadhigii Baarlamaanka Somaliya ee 17kii Maarso 2005 ka dhacay magaalada Nairobi.
Intaasi kadib Maraykanka wuxuu kula taliyey Qabqablayaasha dagaalka ee Muqdisho in ay tagaan Caasimada, isla markaasna ku khasbaan in Dowlada ay Muqdisho usoo guurto, ayna gacanta ku dhigaan, ayaguna (Qabqablayaasha) ay noqdaan kuwo haga hawlaha dowlada, halka Ra'iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha awoodooda la wiiqayo.
Arrintaasi oo ay ogaayeen Madaxda sare ee DFKMG ayaa uga hortagay qorshahaasi in ay u wareegaan dhinaca Jowhar iyo Baydhabo.
Dhismihii Isbaheysigii la dagaalanka Argagaxisada
Maraykanka ayaa wuxuu sidoo kale dareensanaa in Caasimada Muqdisho ay ku xoogeysanayaan xubnaha Maxaakiimta Islaamiga, asagoo markii danbe kula taliyey Qabqablayaasha iyo ay magaalada ka nadiifiyaan Maxaakiimta si ay ayagu kaligood awood ugu yeeshaan Muqdisho, kadibna gorgortan ulla galaan Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Qorshahaasi ayaa socon waayey kadib markii Qabqablayaasha Dagaalka ay ka awood roonaadeen Maxaakiimtii Islaamiga ee Muqdisho oo gacan ka helay Shacabweynaha Muqdisho.
Dowlada Federaalka ayaa markaasi si weyn u taageeraysay in Maxaakiimta ay ka qabsadaan Muqdisho qabqablayaasha dagaalka, isla markaana heshiis la galaan maxaakiimta hadii ay suurtowdo.
Dowlada Federaalka ayaa markaa si weyn uga soo horjeeday in qabqablayaasha ku xoogeystaan Muqdisho ayagoo maskaxda ku haya Qorshaha ka danbeeya ee Maraykanka.
Maraykanka iyo Maxaakiimta
Maraykanka ayaa markii uu arkay awoodii Maxaakiimta ee sii kordhaysa siyaasadiisa wax ka bedalay asagoo markaasi isku dayey inuu rag ku dhex sameysto isla maxaakiimta Islaamiga, asagoo weli ka cararay inuu dhinaca DFKMG iyo Dowlada Zenawi uu kaalmo weydiisto.
Maraykanka ayaa magaalada Nairobi bartamihii sanadkii 2006 ku casumay Shiikh Shariif Axmed oo markaasi ahaa Guddoomiyaha Guud ee Midowga Maxaakiimta, wax yar kadib markii ay Maxaakiimta la wareegeen magaalada Muqdisho.
Ambasador Michael Ranneberger safiirka Maraykan ee Kenya, oo asagu ah ruugcadaa siyaasi ah oo dhinaca Afrika ku xeel dheer horeyna Safiir uga soo qabtay dalalka Malawi, Sudan, Cuba, iyo Somaliya sanadkii 1994tii, ayaa kulan khaas ah Nairobi kula qaatay Shiikh Shariif Axmed.
Michael Ranneberger oo ahaa ninkii horey xiriirka ulla lahaa Qabqablayaasha dagaalka, ayaa isku dayey in Shiikh Shariif Axmed uu ka dhigo buundada u dhaxeysa Siyaasada Maraykanka iyo Maxaakiimta markaasi awooda kusii yeelanayay Somaliya.
Maraykanka xilagaasi diyaar ayuu u ahaa inuu la shaqeeyo Maxaakiimta, hadii ay ku taageeraan siyaasadiisa ku aadan Bariga Afrika gaar ahaan tan Itoobiya, Soomaaliya iyo Sudaan.
Waxaase qorshahaasi fashilay markii la dhisay Golihii Shuurada ee Maxaakiimta oo markaasi hogaanka qabtay Shiikh Xassan Daahir Aweys, oo uu Maraykanka si weyn ugu dhaliiceeyo inuu kamid yahay xubnaha xiriirka laleh kooxaha xag jirka ah ee ka dagaalama Bariga Dhexe.
Balse xiriirka Shiikh Shariif Axmed iyo Safaarada Maraykanka ayaa sii socday ayadoo sidoo kale shir qarsoodi ah labada dhinac ku dhexmaray mar uu Shiikh Shariif safar ku tagay dalka Qatar, sanadkii 2006.
Shiikh Aweys iyo Eritereya
Shiikh Xassan Daahir Aweys oo si weyn uga soo horjeeday Maraykanka ogaana qorshaha Maraykanka, ayaa asagu door biday inuu xiriir la sameysto Dalka Eritereya, Iran, iyo waliba Midowga Yurub.
Maraykanka iyo Indhacade
Sida la rumeysan Maraykanka ayaa sidoo kale xiriir hoose la lahaa Hogaamiye kooxeedkii Yusuf Siyaad Indhacade oo asagu ahaa abaanduulaha Maleeshiyooyinka Maxaakiimta.
Wuxuuna Maraykanka ku casumay Indhacade dalka Kenya ayadoo shir ka dhacay Markab dagaal oo ku sugan xeebaha Mombasa ee dalka Kenya dushiisa, ay kuwada kulmeen saraakiisha Maraykanka, diblumaasiyiin ka socta safaarada Maraykanka ee Kenya iyo xubno kale.
Shirkaasi ayaa ahaa mid aan cidna wax laga ogeysiin ayadoo salka ku heysay qorshaha soo socday ee uu Maraykanka ka lahaa Maxaakiimta.
Maraykanka ayaa dhinaca kale bilaabay siyaasad kale oo uu ku doonayo inuu ku jahwareeiyo Dowlada Somalida, iyo tan Itoobiya ee Zenawi oo ahayd in uu Golaha Amaanka si lama filaan ah ugu biiro Maraykanka dalalkii codsanayey in Cunqabateynta laga qaado dalka Soomaaliya.
Qorshahaasi Maraykanka ee qaadida Cunaqabteynta Hubka Soomaaliya, ayaa ahayd mid ayaduna lagu dhiiri gelinayey dhinaca Dowlada Federaalka iyo taageerayaashooda Itobiya in ay fursad u helaan in ay awood ciidan kala hortagaan Maxaakiimta.
Maraykanka oo markaasi xargaha si dadban ugu hayey labada dhinac ayaa isaga dhex baxay markii ay fooda isdareen maleeshiyooyinka Maxaakiimta iyo ciidamada Dowlada Soomaaliya oo ay taageerayaan Ciidamada Itoobiya.
Dagaalkii iidaale, Bandiiradley iyo Buurhakaba
Maraykanka wax lug ah kuma lahayn maalmihii ugu horeeyey dagaalka markuu ka qarxay dhinaca gobalka Bay iyo gobalka Mudug.
Maraykanka wuxuu wakhtigaasi ku mashquulsanaa inuu eego labada dhinac cidii awood roonaata, asagoo markaasi diyaar u ah inuu ka takhaluso cidii laga awood badiyo si uu usoo dhaweysto hadba cidii guuleysata.
Maraykanka iyo Duqeyntii
Maraykanka ayaa bilaabay inuu si toos ah u duqeeyo Maxaakiimta kadib markii ay isaga baxeen magaaladii ugu danbeysay oo ahayd magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose.
Wakhtigaasi waxaa la xaqiijinayaa inuu Maraykanka weli xiriir hoose la lahaa Shiikh Shariif Axmed.
Isdhiibidii Shiikh Shariif
Safiirka Maraykanka Michael Ranneberger ayaa ahaa ninkii ka dhaadhiciyey Shiikh Shariif inuu kasoo baxo hawdka isla markaana isu dhiibo dalka Kenya, asagoo balan qaadaya in Shiikh Shariif aysan cidina wax yeelin siiba in aan dib loogu celin dalka Soomaaliya.
Shiikh Shariif Axmed ayaa aqbalay ayadoo ay cadaadis kale ku saareen arrinkaasi xubno ku sugan dalka Yemen oo uu ugu horeeyo Prof.Ibraahim Xassan Cadow oo dalka Yemen kula kulmay xubno ka socda dowlada Maraykanka.
Qorshaha hada ee Maraykanka
Maraykanka ayaa hada wada inuu ka dhaadhiciyo dowlada Soomaaliya ee Federaalka in ay awooda wax kasiiso Shiikh Shariif axmed, ayadoo siyaasadaasi ay tahay mid uu ku doonayo inuu awood ku yeesho hogaanka Soomaaliya, xili uu Maraykanka ku fashilay qorshihiisii ahaa ka takhlusida Xukuumada itoobiya ee Meles Zenawi.
Maraykanka oo ah dal siyaasadiisa wakhti dheer ku cabira ayaa rajeenaya in dowlad Somaaliya oo cusub ay jidka u furi karta inuu ka takhaluso inta uu isleeyahay markaasi way ka horimaan karaan qorshihiisa Guud ee Bariga Afrika oo ku aadan gaar ahaan dalalka Sudan, Itoobiya iyo Soomaliya.
Maraykanka ayaa rajeenaya in xubnaha Maxaakiimta ee Qunyar socodka ah ay kasoo baxaan kaalintii ay ku fashileen Qabqablayaasha dagaalka ee ahayd in ay dowlada Somaaliya gacanta ku dhigaan.
Qorshahaasi ayaa ah mida isu soo dhaweysay dalalka Sudan iyo Itoobiya oo hada heshiisyo hoose saxiixday si ay uga wada hortagaan qorshaha guud ee Maraykanka uu ku doonayo in Bariga Afrika uu gacanta u gesho hogaamiyaal asaga ka amar qaata.
Sudan iyo Itoobiya
Dalalkan ayaa hada ayaguna wada qorshayaal kale oo ay ku taageerayaan dowlada Soomaaliya, ayagoo markaasi ka cabsi qaba in hadii Maraykanka uu gacanta ku dhigo dalka Soomaaliya, ay jidka u fureyso in Gen.Bashiir iyo Atto Zenawi ay awoodoodu khal khal gasho.
Waxaana dhismihii Isbaheysigii Sanca uu salka ku hayey sidii ay isu baheysan lahaayeen dalalka Sudan, Itoobiya, Somaliya iyo Yemen dhinaca siyaasada ee gobalka.
Yemen iyo Maraykanka
Dowlada Yemen ayaa ayadu ah dowlada kaliya ee Carbeed ee taageerada u fidisa Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxayna ahayd dowladii hubka iyo dareeska ciidamada DFKMG ugu deeqday.
Cali Cabdalla Saalax ayaa asagu laftigiisa ka shaqeenaya inuu taageero hoose siiyo Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Ahmed oo uu xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo.
Inkastoo dowlada Yemen ay mar walba u gedho nugushahay qorsho walba oo uu Maraykanka keeno maadaama uu Maraykanka uu yahay dalka ugu weyn ee hada dhaqaalaha iyo taageerada Militari siiya xukuumada Cali Cabdalla Saalax oo laftigiisa la tacaalaya inuu gacan adag isaga hayo Qabaa'ilka dalka Yemen iyo mucaaridkiisa.
Balse Cali ayaa dhinaciisana wada qorshayaasha hoose uu ku taageerayo Dowlada Soomaaliya, asagoo hada kahor si bareer ah u sheegay inay garab walba siinayaan Dowlada Soomaaliya hada ka jirta.
Asagoo arrintaasi micno uga dhigay Cali Cabdallah Saalax in Yemen ay rabto in dalka Soomaaliya uu dego, si ay uga badbaadaan qaxootiga badan ee dalkooda kusoo qulqulaya, waxayan Dowladaasi heshiisi gaar ah oo looga hortayago ulla gashay Dowlad gobaleedka Puntland ee dalka Soomaaliya.
Midowga Yurub, China iyo Maraykanka
Tartanka loogu jiro Bariga Afrika kuma koobna dalalka Maraykanka oo kaliya, ee waxaan meesha ka marnayn dalalka Midowga Yurub iyo China.
Dalka China ayaa asagu hada raba inuu awood weyn ku yeesho dhaqaalaha Afrika, wuxuuna dalkaasi heshiisyo gaar ah la galay dalalka Sudan iyo Itoobiya iyo Kenya oo dhinaca shidaalka ah.
China ayaa sidoo kale xiriir ganacsi ka dhaxeeyaa dalka Yemen iyo shidaalka laga soo saaro.
Madaxweynaha Somaliya C/laahi Yusuf Ahmed ayaa sidoo kale taageero dhaqaale ka sugaya Dalka China oo la sheegay in ay kulamo ay horey ugu yeesheen shirkii Beijin ay labada dhinac isku afgarteen in la xoojiyo xiriirkooda.
Midowga Yurub ayaa asaguna wajiyo kala gedisan ka leh Bariga Afrika gaar ahaan dalka Soomaaliya.
Dalalka Ingiriiska, Sweden iyo dalal kale oo ayagu lacago badan ku bixiyey shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa doonaya in lacagtoodu aysan noqon mid la ilaawo isla markaana dar dargelinayo inay ka dhex muuqdaan xal walba oo la rabo in laga fuliyo dalka Soomaliya.
Talyaaniga oo asaguna ku dhex jiray Midowga Yurub ayaa qorshihiisa u gaarka ahna wata ayadoo taasina ay salka ku heyso sidii uu noqon lahaa dalka reer Galbeedka wakiilka uga ah Somaliya.
Masar iyo Maraykanka
Dalka Masar oo asaguna ah dal Afrikaan ah kuna jira Jaamacada Carabta ayaa dhinaciisa si buuxda u taageeraya Qorshaha Maraykanka ee ku aadan dalka Soomaaliya. Maadaama ay ka dhaxeyso xurguf siyaasadeed dalka Itoobiya.
Hadii aanu soo koobno dhamaan dhacdooyinkan iyo siyaasadaha is garab socda ee dalalkan shisheeye ka leeyihiin Somaliya ayaa waxaa hubaal ah in xalka Soomaaliya yahay (Faanoole Fari Kama Qodna).
Hussein Farah Keynaan
HorseedNet.com



