Postby eyes-only » Sat Feb 10, 2007 3:03 pm
faqash and other xabashi fans read this.....
-------------------------------------------------------------------------------------------
Ciidamada Itoobiya oo ugu yaraan 7 rayid ah ku dilay Muqdisho
Aayaha.com, Sabti, 10 Feb. 2007 - Ciidamada cadowga Itoobiya ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa gumaad u geystay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Madaafiic ay soo tuureen ciidamada cadowga ayaa ku habsaday guryo fara badan oo ku yaala qeybaha kala duwan ee magaalada, halkaana khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira u geystay dadka rayidka ah.
Ugu yaraan 7 qof ayaa u dhintay madaafiicda ay ciidamada Itoobiya ku garaaceen xaafadaha Muqdisho, halka 10 kalena ay dhaawacmeen.
Waxaa beryahan caado u noqotay ciidamada Itoobiya in ay markii weerar lagu qaado xarumahooda ay madaafiic aan loo meel dayin ku tuuraan xaafadaha kala duwan ee Muqdisho.
Falkan ugu dambeeyay ee ay maanta ciidamada cadowgu ku gumaadeen shacabka rayidka ah ayey walaac badan ka muujiyeen shacabka ku sugan Muqdisho.
Cadaawada ciidamada cadowga Itoobiya iyo kaaliyayaashooda kooxda Mbagathi ayaa maalinba maalinta ka dambeysa sii kordheysa, iyadoo madaafiicda ay ku garaacayaan xaafadaha shacabka ay sii badaneyso maalinba maalinta ka dambeysa.
Aayaha.com
Xafiiska Muqdisho