Postby Enemy_Of_Mad_Mullah » Sun Feb 11, 2007 10:00 am
News: Dhulgariir Ruxay Magaalada Boorama Aroornimadii Jimacaha
Saacadu markay ahayd Cabaar 7:12 am ee subaxnimo, ayaa waxa magaalada Boorama laga dareemay Dhulgariir si aad ah u dhacay, Sanadkan cusub waa midkii ugu weynaa ee ka dhaca magaalada Boorama.
Dhulgariirka ayaa ah mid ay dadku la qabasadeen oo aan dadka wax warwar ah oo weyn ku hayn, marka laga reebo dhulgariirka culus ee sida xooga ah u dhaqaajiya dhulka, dhulgariirka saaka dhacay ayaan wax khasaare ah geysan, dhanka kala lama garan karo inta uu cabirkisu ahaa, taas oo aanay jirin qalabkii sheegi lahaa inta cabirka dhul gariirku ahaa.
Dhulgariirka ka dhaca Boorama oo aan badi geysan khasaare, wuxuu inta badan yahay mid marar la dareemo, balse dhanka Dawlada Somaliland ayaad moodaa in ay ka war la'dahay, sababtoo ah ma jiraan baaqyo caalami ah o ay samaysay in halkaas dhibaato ka soo bixi karto, oo loo baahan yahay in khubaro baadhis ku samaysa loo baahan yahay. Inta badana Dawladuhu waxay sameeyaan inta khasaare dhicin in la sameeyo daraasad meelaha laga baqo qabo in dhibaato ka dabiici ah ka iman karto.
Dadka ku dhaqan Boorama ayaa qaarkood ii sheegeen in wakhtiyadii Dawladii Kacaanka mar la keenay khubaro Ajnabi ah, xiliyadaas oo ku beegnayd 1980kii oo dhulgariirka Boorama uu ahaa mid aad u xoogan,isla markaana khasaare geystay, khubaradaas wakhtigaas ay soo dirtay dawladii jirtay ayaa waxay sheegeen in gariirka ay keenayaan Biyo ay ku fadhido buurta SAW, buurta Saw ayaa ah bar uu dhulgariirku ka soo bilaabmo, isla markaana Buurta Saw ayay dadku u yaqaaneen ilaa wakhtiyadii jaahilaga ahaayeen dadku SAW QAYLO, Buurta ayaa u jira Magaalada 4 Km oo keli ah.