"Raga soomalida u galmoonaya xayawaanka Eeyga"!!!!!!!!!!!!!
Buuggiisa lagu magacaabo "Maps" oo uu soo saaray 1990, wuxuu qoraagu kaga waramayaa wiil Soomaali ah oo u galmoonaya xayawaanka lo'da (sac), sidoo kale buugiisa "Secrets" wuxuu Nuuradiin ku muujinayaa nin Soomaali ah oo galmo ka raadinaya xayawaanka Lo'da (sac), isla markaana wuxuu qeybo kale oo kamid ah isla buuga "Secrets" qoraagu ku tilmaamayaa in ragga Soomaalidu dhaqan u leeyihiin isu galmoodka dhexdooda ah.
Mudo haatan laga joogo dhawr sano, mar uu Nuuradiin booqday wadanka Sweden, goob uu kula hadlayay Soomaalida qurba-jooga ah ee wadankaasi, waxaa la waydiiyay inuu u qiil bixiyo hadalkiisa ku aadan in Soomaalidu dhaqan u leedahay galmoodka jinsiga raga dhexdiisa, waxuuna lasoo booday “ma garanayo inaan doonayno inaan akhristayaasha aduunka been u sheegno, laakiin ninkii magaalada Marka xaafad ka mid ah waqti xafladeed gooni ah tagi lahaa, wuu arki lahaa rag gacmaha is haystaâ€, dadkii meesha isugu soo xoomay ayaa isku qanciyay (findhicil ma xaaraanbaa mise waa xalaal sheegsheegiisa ayaa ka xun), su’aalihina u weeciyay jiho kale, maadaama qoraagu u yaqaano dhaqan umaddeed xumaan ay bartay waqti xun socodkiisu, aysana abid arag bulshadii qarniyada badan ku noolaa magaalada Marka iyo nawaaxigeeda, dhagaytayaashii u oomanaa inay la kulmaan qoraaga lagu han waynaana waxay huleeleen ayagoo hiifaya waqtigoodii qaaliga ahaa iyo damacoodii hungoobay.
Hungo kale, buug uu soo saaray 2005tii, uguna magic daray “LINKS†mar uu sheeko xariirtiisa kaga sheekaynayay arxan darada mid ka mid ah jilayaasha oo uu Caloosha ku naynaasay (kaasoo uu dagaal oogayaasha ku matalayay) waxuu yiri:
“Jeebleh remembered how, when he was small, he had tried to stop Caloosha and his friends from molesting a dog. He had been beaten harshly himself for his impudence. (many years later, he learned that one of the boys had met the fate he deserved: he died from rabies†(Links, 2005, page 130).
“Jeebleh oo ahaa nin sheekada ku matalayay qurbo joog, aqoon badane, nabad jecel , waxuu yiri “ waxaan xasuustay sidii aan isugu dayi jiray markaan yaraa, inaan ka celiyo Caloosha iyo saaxiibadiis faraxumaynta eeyaha, dibna uu ka ogaaday in mid ka mid wiilashaasi uu la kulmay cawaaqib xumo uu mutaystay, una dhintay cudunka raabiyada oo uu u aaneeyay galmadii eeyaha†(Links, 2005, bogga, 130).
Buugaagta sheeko xariirta ah ee uu qoro Nuuradiin Faarax waxay akhristaashu ka daalacdaan dhaqanka wadanka uu ku salaynayo, hadaba waxaan mar kale la yaabay meesha qoraagu ka keenay Soomaali u galmoonaya xayawaanka Eeyga, akhristayaashana uu uga iibinayo aragti aan sal lahayn.
http://www.aayaha.com/viewpage.php?articleid=4117