ASLAM ALEYKUM
Beentu, ma waxey Noqotay wax Leysugu faano
Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabad gelyana Rasuulkeenii ayey korkiisa ahaatay.
Dadka muslimiinta ah waxyaalaha laga xaaraantimeeyay waxaa ka mid ah Beenta, oo waxaa kusoo ururay axaadiis tiro baddan iyo aayado baddan oo quraan ah ayaa lagaga hadlay. Bal waxa dhacda in aayadaha qaar lagu nacladay beenaalayaasha . rasuulkeeni waxaa ka sugnaatay inuu yiri qofka mu’minka ah waa suurto gal in ay waxyaalo kale ka dhacaan, laakiin been marna kama dhici karto inuu sheego.
Annaga haddeynu nahay Soomaali waxaad moodaa in nala yiri qofkaan been sheegin maba noolaan karo. Qofki aad tiraahdo war runta maad sheegto wuxuu kugu qancinayaa war runta baddan waa leysku nacaa. Waxaad arkeysaa goobaha ay Soomaalidu isugu yimaadaan, qof aad is leedahay waa qof sharaf leh, oo si caddaan ah been ugu sheekeynaya, oo weliba laga dhegeysanayo. Mar marka qaar waxaa arkeysaa qof wax uu ka sasabanayo aadan garaneyn oo been qaawan beerka kuu gelinayo.
Waxa taas kasii daran Tafatirayaasha webside yada ay Soomaalidu akhriastaan qaarkood oo ku caan baxay been iyo warar la been abuurayo, iyadoo qaarkood looga gol leeyahay in leysku diro Beelaha Soomaalida. Runti haddii ay ogaan lahaayeen cawaaqib xumada ka danbeysa arimahaas, kuma aanay deg degeen.
Waxa dhacday hadda ka hor in nin ka mid ah raggaas caadeystay been sheegga, in uu ka sheekeeyay arin uu yiri goob jog baan u ahaa, oo nasiib darro ninka uu ka sheekeynayo uu goobtaas fadhiyo isagoo aan aqoon u laheyn, goortuu ogaaday inuu dhex fadhiyo manta, uu nafsad ahaantiisi isku qiray inuu beenaale yahay oo ay dadku yaqaanaan. Fashillad ka xun oo qof bani’aadan ah ku dhacda tan oo kale weli horey looma arag. Ogow beentaada baddan aakhirka ceebaalkeeda ayaad soo taabanaysaa.
Maalmaha qaar waxaad arkeysaa marka qof uu yiraahdo warkaas ayaa lasoo qoray, in markiiba la weydiinayo Webka soo qoray, oo qaarkood hadduu sheego la leeyahay, war ma waxaad weysay meel aad akhrisato oo kale. Ogow heerkaas marka lagula gaaro, ujeedadu maaha in qofkan lagu diidan yahay Qabiil, maahma in lagu diidan yahay shaqsi ahaan, ee waa caadeysi xun uu caadeystay in uu arimaha qaar uu been abuuro.
Websidte yada qaarkoodna iyadoo la leeyahay keligood ayaa qoray ayaa haddan la difaacayaa oo la leeyahay weligood been ay qoreen lama arag. Bal haddaba akhristow miisaan saar labada web, ee labadaba afsoomaali wax ku qoraya oo ka wada hadlaya arimaha Soomaaliya, midna la leeyahay iga daa warkiisa, midna la difaacayo inuu run baddan yahay, maxey heerkaas ku kala gaareen. Bal adba.
Qofka ku can baxay runta waxa ammaan ugu filan in hadalkiisa la qadariyo, oo loo soo istaago markuu arin ka dhawaajiyo. Kan beenta badanna waxaa ceeb ugu filan isagoo hadalkiisa laga soo qaado ka’anna inuu cunug saqiir ah sheekeynayo. Ogow mar haddii laguu barto beenta in ay adag tahay inaad bulshadaa kusii dhex noolaato.
Waxaad maqleysaa hebel siyaasi maaha, iyadoo loola jeedo wax walba runtuu ka sheegaa. Waa yaab war siyaasi ma waxaa lagu noqdaa in la munaafaqeeyo oo dadka been lagu qanciyo. Wey haboon tahay in arimaha qaar la isticmaalo qaab diblumaasi, si wax look ala ilaaliyo laakiin been qayaxan runti waa wax aad iyo aad looga fiican yahay.
Waxaa xitaa dhacday in dadkan aynu la joogno ( Europe ) ay hadda nagu barteen beenta baddan, oo haddii laguu arko qof Soomaali ah inaad tahay aan wax baddan hadalkaaga la rumeysaneen, sababtuna waa mid aynu innaga isugu wacan nahay waayo wax walba been baa laga sheegayaa sida labada isqabta, lacagrta la qaato, maqnaashaha, caruurta. Marki la arkay in aynu wax walba been ka sheegeyno ayaa hadda waxaad arkeysaa in la leeyahay in waxaasi ay run yihiin iyo in kale warqad caddeyn ah kasoo qaado kumuunitigiina (Somali Community ).
Runti waa wax laga naxo in ummad dhan lagu barto been. Waxa haboon in arinkaas laga hortago oo lala dagaalamo, si sharafteeni ay usoo noqoto. War innagoo muslimiin ah in nalagu barto been, wax fiican maaha. Soomaaliyeey beeni raad maleh, ee sharfteena aynu dhowranno. Ogow qofka Soomaaliga ah markuu sameeyo falal aan dhaqanka ku habooneyn, wuxuu matalayaa ummad dhan, oo waa wax hadhow dib noogu soo noqonaya.
Hadalkeyga waxaan kusoo gabagabeynayaa Soomaaliyeey runta aynu isbarno, haba qaraaraatee. Ogow qofka runta kugu nacaa aakhirka isagoo kuu garaabaya ayuu kuu imanayaa. Goobo baddan oo Soomaali isugu timaado ayaa waxaad ka maqleysaa Fulaan, waxaan ku jeclahay waa qof toos ah, oo aan laalaabka aqoon. Weligaa ma maqleyso qof la leeyahay hebel beenta ayaan ku jeclahay. Qofka runta baddan dadka dhexdiisa wuu ka fadilan yahay oo aad baa loo qadariyaa, halka kan beenta lagu bartay la quursado.
Intaas ayaan hadalkeygi kusoo gababeynayaa wixi sax ah oo aan sheegay waxey u sugnaatay Allaah, wixi khalad ahna waa nafteyda iyo sheydaan.
Wabillaahi Towfiiq
Cabdixakiim Jaamac Jooje
http://www.4somaliwomen.com/index.php?o ... 1&Itemid=9



