Maxamed Dheere : “Weli anigaa ah Gudoomiyaha Sharciga ah ee Gobolka Sh/Dhexe, waxaana amaanka suga ciidamadeyda…..â€
Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 25/02/07
Iyadoo Maamul cusub uu R/wasaare Cali Maxamed Geedi, dhawaan u magacaabay Gobalka Shabeelaha Dhexe, ayaa Maxamed Cumar Xabeeb (M/dheere) oo haatan ku sugan Muqdisho waxa uu wali ku adkaysanayaa inuu isagu yahay maamulka sharciga ah ee ka jira Gobalka Sh/dhexe.
Maxamed Dheere oo warbaahinta ka hadlayey ayaa shaaca ka qaaday in ilaa iyo iminka cid wax Dukumiinti sharci ah ula timid aysan jirin, isagoona carabka ku dhejiyey in Gudoomiyaha Sharciga ah ee Gobalka Sh/dhexe ka arimiya uu isaga yahay.
"Ciidamamayda iyaga ayaa wali sugaya amaanka Gobalka gaar ahaan Magaalada madaxdiisa Jowhar" ayuu sii raaciyey Maxamed Dheere.
Iyadoo sheegashada Maxamed Dheere ay jirto ayaa Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dowladda KMG Maxamed Maamuud Guuleed (Gacma Dheere) waxa uu sheegay in ay Dowladdu aqoonsan tahay Maamulka cusub ee R/wasaaruhu u magacaabay Gobalka Sh/dhexe.
Gacma Dheere, ayaa waxa uu intaasi ku daray in hadalka Maxamed Dheere uusan meel kasoo qaad laheyn, islamarkaana uusan xilligan aheyn Maxamed Dheere qof hadaladiisa la qaadan karo.
Hadalado is-dhaafsigan ayaa waxaa ay kusoo beegmayaan xilli nabad-gelyo xumo tii ugu ba'neyd ay ka taagan tahay Gobalka Sh/dhexe, islamarkaana maamulka cusub ee Prof. Geedi magacaabay aysan wali cagta dhigin Gobalka.
Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)




