Page 1 of 1

M.Dheere rearming and reorganizing militia

Posted: Mon Feb 26, 2007 11:53 am
by Hiiraan boy
(Jowhar) Maxamed Dheere oo Gaadiid dagaal oo hor leh la soo baxay.

Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) Ex Hogaamiye Kooxeedyadii Soomaaliya ee laga adkaaday ayaa la soo baxay Gaadiid dagaal oo hor leh.


Wararka laga helayo Magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in gudaha Magaalada lagu arkay dhowr tikniko oo cusub, kuwaasoo qaarkood ay saaran yihiin qoryaha dagaalka.



Abaabulka Maxamed Dheere ee uu ka wado Magaalada Jowhar ayaa ah mid uu aad ugaga soo horjeedo Maamulka Cusub ee gobolkaas loo magacaabay, isagoo laga qaaday xilkiisa.



Wariye ku sugan Magaalada Jowhar ayaa ii xaqiijiyay in Maleeshiyada Maxamed Dheere ay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo kala duwan, kaasoo uu sheegay in ay dib isu xoojinayaan, wuxuuna tilmaamay in ay la soo baxeen gawaarida dagaalka nuucyadiisa kala duwan.



Iyadoo uu dhowaan Hubkiisa Maxamed Dheere ku wareejiyay Dowladda Federaalka, ayay hadana dadku la yaaban yihiin Tiknikada uu la soo baxay.



Lix baabuurta dagaalka ayaa la kala dhigay gudaha magaalada iyo meelaha looga soo galo Magaalada Jowhar, sidoo kale waxaa socota dayactir lagu haayo gaadiid fara badan, kaasoo la sheegay in lagu rakibi doono qoryaha dagaalka.



"Maadaama uu Dalka ku jiro Marshal Law, Madaxweyne ayaa wax magacaabaya, Ra’iisul Wasaaraha wax ma magacaabi karo"ayuu yiri Maxamed Dheere oo wali ku adkeysanaya inuu yahay Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe.



Arrimahan oo dhan ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli Maxamed Dheere uu sheegay in uu wali ka taliyo Magaalada Jowhar, isla markaana aanu aqoonsaneyn maamulka cusub.



Dadka qaar ayaa arrimahan ku saleynaya in ay keeni karto gacan ka hadal dhex mara labada maamul oo la sheegayo in labada dhinacba ay wadaan hub uruursi aad weyn.



Maamulka Cusub ee Gobolkaas ee uu madaxda ka yahay Maxamed Cumar Deelle ayaa Magaalada Muqdisho isna ka wada diyaar garow xoogan, iyadoo la sheegay inuu bilaabay in qoryaha dagaalka uu saarto gaadiidyada loo yaqaan Cabdi Bille.



Si kastaba ha ahaatee, arrimahan ayaa waxa ay dhacayaan, xilli Dowladda federaalka ay gacanta ku dhigtay inta badan K/Soomaaliya, iyadoo ay aad usoo muuqanayaan khilaafyo hareeyay Maamulada ay u magacowday Gobolada Dalka.

Re: M.Dheere rearming and reorganizing militia

Posted: Mon Feb 26, 2007 2:24 pm
by AbdiWahab252
Another dameer abused Laughing