Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

If You Understand This Then you Understand The Current Somal

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Karbaash_killa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3672
Joined: Thu Mar 10, 2005 3:10 pm
Location: Wisil, Galmudug State of Somalia

If You Understand This Then you Understand The Current Somal

Postby Karbaash_killa » Mon Feb 26, 2007 5:42 pm

Gabayga "CUDUR KU DOORSO CAAFIMAAD, CALAQYA BIIRNA CAANO MOOD" ee
Abwaan Abshir Nuur Faarax ‘Bacadle’

Waxaa kaloo cajaa’iba Maxkamadihii cadligiyo cisigiyo sharafkiyo, nabadii carfooneyd carradaan ku soo rogay, kuwii caayi jirayoo ceeb ka sheegi jirayoo, caddowga soo hogaanshaa cabaadkoodu baxayaa, oo soo calaacalay, ALLOW culumadii keen, oo Maxkamadihii soo celi codkoodaan ku heynaa, waxba hay cabaadina cudur daarna lama rabo, caddowga idinkaa waday, culimadana kaarahay, iska celiya tuugada, isbaaradana cirib tira ama carara fiidkii, waa rag iyo ceebtiiye.


Abshir Nuur Faarax ‘Bacadle’ Abwaanka Islaamnimada iyo wadanninimaduba ku weyn tahay, ayaa ka gabyey xaaladda muruggada leh ee ay gashey magaalada Muqdisho isagoo weliba u soo joogey xilligii Golaha Maxkamaduhu ay ka talinayeen Muqdisho, oo la xasuusto sidii uu suugaantiisa ugu asteeyey isbedelkii ku dhacay Muqdisho mudadii ay Maxkamaduhu joogeen.


Gabaygiisii ugu dambeeyey oo uu bxiyey MARKII CADAWGI LOO JABEY CULIMADINA YAACEEN’ waxaa uu ku darsayaa si abwaannimo iyo fasaaxo suugaaneed xambaarsan wixii dalku ku dambeeyey kadib markii dalka ay ka baxeen awooddii Maxkamadaha iyo xaalku sida uu noqdey, isaga oo weliba nolosha dhinacyo badan ka fiirinaya isbedellada dhacay.


Isaga oo ka hadlaya dhimashada tarab-tarabta ah ee Muqdisho ku habsatay, qawlaysatada iyo burcadda gaaf-wareegeysa xaafadaha waxa uu yiri:


Markii cadowgi loo jabay, Culimadina yaaceen, Meydku waa cashara dhaaf, Cishiriin hadow sigin, ama caga cageyneyn cawiyo beriba waa toban, Cayayaanka hoosiyo cadad ma leh isbaaradu, Waa ceer yaamo tuugadu, Dadkii waa cuburiyeen, Calalladey ka siibtaan, casirkii baan xaroonaa, caruurta iyo dumarkana cillalowga fiidnimo cajiin looma diri karo, waa loo cabsanayaa, Albaabkaan ku celinaa, cishaha looma bixi karo, maqribkaa ciriiriya, cidi ma gadato Mobile, cadowgiisi baa badan oo waa loo cabsnayaa, ciribtaanse leenahay. Nabadi waa cakiran tahay, nin iyo cududi mooyee, cadli iyo garsoor ma leh, ciribtaanse leenahay.


Waxaa uu hadana tibaaxayaa waxa ugu weynaa wixii la tebey sidii loo waayey cududdii Maxkamadaha, oo ay ugu horreeyaan Sharafkii bani’aadannimo, baraarihii amniga, caadil-nimadii garsoorka islaaminimo iyo weliba hoggaamiyihii saamaynta weyn lahaa ee Sh. Shariif Sh. Axmed. Waxaa uu yiri:


Cisigi iyo sharaf ma leh, xukunkii caddaa maleh, amnigii caam ahaa ma leh, nabadii cukaneyd maleh, cosobki iyo ubax maleh, cagaar iyo udgoon ma leh, saxan saxo cosoba maleh, Culumadu nufuud ma leh, codkii Sheekh Shariif maleh, oo iimaanka culi jiray, caqiidadana sixi jiray, asleynkana ku caan baxay, shacabkana u ciil tiray, ciribtaanse leenahay.


Waxaa tuducanna uu ku ammaanayaa abwaanku kaalintii gabdhaha Soomaaliyeed isaga oo u muuqda Abshir Bacadle inuu leeyahay waxay dumarku isku darsadeen oo ay buuxiyeen kaalintoodii iyo weliba tii ragga.


Haddii cadowgi loo jabay culimaduna yaaceen, raggii waa casilan yahay, carcar iyo nashaad ma leh gabdhihi baa cirkaa mari cawiyo berriba aan hoyan dhaawicina caawiyay, cuniyo daawaba u sida, Gabdhaheenu waa calan, cafiyo caafimaad iyo, cisiyo sharaf Allow sii, ninkii calaf u geeyana, saxan saxo cosoba iyo, caraf iyo udgoon iyo, Ilaahow cishqi u saar reerka isku celin kara, caruurtana u barakee, caqiidada saxaa iyo cilmi naaficana sii. ALLOW cadaawe how cidleyn, Cafiyo caafimaadna sii.


Abwaanka oo isbedellada nolosha ku timid ka hadlaya ayaa haddana eegaya sida cuntadii isu bedeshey oo aysan dhadhan, dux iyo macaansiba u lahayn:


Markii cadwgi loo jabay, culimadina yaaceen, cunadi waa bedelan tahay, carabku guustadii maleh, caanuhu labeen maleh, ciirtayadu subag maleh, cambuuladu saliid maleh, cusbo malahan suugadu, hilib noo cuntama maleh, waa caato iyo weyd, cayil iyo baruur maleh, maraqiisu cabid maleh, cusbaa lagu dhanaanshaa, khudradu waa canyaayaas, caraf iyo udgoon maleh, reexaan cosoba maleh, biyeheenu waa calow, qofkaan caafi gadan karin, cudurow u halis yahay, caruurtaa u sii nugul, ciribtaanse leenahay.


Qaybtanse markan waxbuu ku dhaliilayaa waana kooxihii wax diidanaa xilligii Maxkamaduhu joogeen hoostana ka mucaaradka ahaa iyaga oon marna aqoonsan wanaaggii iyo isbedelkii ay dalka ka sameeyeen Maxkamaduhu oo hadda markii dalka la qabsadey calaacalkoodu uu qeylo dheer yahay. Waxa uu yiri:


Waxaa kaloo cajaa’iba Maxkamadihii cadliga iyo cisigiyo sharafkiyo nabadii carfooneyd carradaan ku soo rogay, kuwii caayi jirayoo ceeb ka sheegi jirayoo caddowga soo hogaanshaa cabaad koodu baxayaa oo soo calaacalay. Allow culumadii keen, oo Maxkamadihii soo celi codkoodaan ku heynaa. Waxba hay cabaadina cudur daarna lama rabo, caddowga idinkaa waday, culumadana kaarahay, iska celiya tuugada, isbaaradana cirib tira ama carara fiidkii, waa rag iyo ceebtiiye.

THIS SOME UP SOMALIA'S CURRENT SITUATION!

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 49 guests