Banaanbax looga soo horjeeday qaraxyada Muqdisho iyo keenista ciidamo shisheeye oo maanta Muqdisho ka dhacay.
February 26-2007-HornAfrik, Mogadishu
Banaanbax looga soo horjeeday qaraxyada magaalada Muqdisho ka dhaco iyo keenista ciidamo shisheeye ayaa maanta lagu qabtay Ex-kontarool Balcad ee magaalada Muqdisho.
Banaan baxyaasha ayaa waxa ay ka soo horjeedeen qaraxyada habeen iyo maalin ka dhacaya magaalada Muqdisho kuwaas oo saameyn ku yeeshay dadka maatida ah ee aan waxba galabsan oo ay ku jiraan Haweenka iyo Carruurta oo qaarkood bilaabay inay ka qaxaan magaalada Muqdisho iyagoo ka baqanaya madaafiicda habeen iyo maalin ka dhacda magaalada Muqdisho.
Dadka banaanbaxayey maanta ayaa socod ku soo maray deegaanka suuqa xoolaha iyo Ex-kontarool Balcda waxa ayna ka soo horjeedeen joogitaanka ciidamada Itoobiya iyo keenista ciidamada Uganda kuwaas oo sheegay inay dhibaatooyin kala kulmeen.
Dadkan banaanbaxayey ayaa isugu jiray Haween iyo Carruur oo ku dhawaaqayey dooni meyno Itoobiya, dooni meyno ciidamada Uganda.
Sidoo kale banaanbaxyaasha maanta ayaa ka soo horjeeday calanka Itoobiya ee la suray qeyba ka mid ah magaalada Muqdisho sida wasaaradii gaashaandhiga Muqdisho.
Banaanbax ayaa ahaa kii ugu horeeyey oo ka dhaca magaalada Muqdisho oo looga soo horjeeda qaraxyada habeen iyo maalin ka dhaca magaalada Muqdisho iyadoo banaanbaxan aanu aheyn mid la soo abaabulay



