Xildhibaano ka gadoodey sida ay wax u wadaana madaxda dowladda Somalia ayaa waxaa ay isku urursanayaan waddanka Eretrea iaygoo halkaasi sheegey in ay ka billaabayaan halgan ay kaga xureynayaan dalka Gumeysiga sida ay hadalka u yiraahdeen.
Xildhibaanadan oo caddadooda ku dhow dahay illaa iyo 50 meeyo ayaa waxaa ku jira fahayeenkii Baarlamaanka KMG ah ee ay xildhibaanadu sheegeen in kal hore ay xilka ka qaadeen Shariif Xasan.
Isagoo la hadlaayey warbaahinta ayuu sheegey Cumar Xaashi Aadana oo xildhibaanada ka mid ah islamarkaana ay xildhibaanadasi u doorteen inuu noqdo afahayeenka u hadla xildhibaanadaasi waxaa uu sheegey in dalka u gumeysi ku jiro islamarkaana ay ku dadaalli doonaan sidii ay uga dul qaadi lahaayeen shacabka la heysto gumeysiga sida uu yiri Cumar Xaashi Aadan.
Xildhibaanka ayaa waxaa uu intaasi ku darrey in ay qaban doonaan shir arrimahaasi looga hadlaayo bishan hadda bilowga ah.
Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan iyo xildhibaano kale ayaa waxaa ay hadda joogaan Magaalada Asmara ee Waddanka Eritrea halkaasoo uu sheegey in ay ku tageen casuumaad ay ka heleen Xukuumaddaasi ,iyagoo hore u joogey waddanka Djabouti.
Soomaalinews.com.



