Ciidamada Uganda oo markii ugu horeysay lagu weeraray Muqdisho
War deg deg ah
Mogadishu 07, March.07 ( Sh.M.Network) 14 ruux oo rayid ah ayaa dhaawac uu ka soo gaaray ka dib markii gaari ay saarnaayeen ciidamada Uganda markii ugu horeysay lagu weeraray caasimadda Somalia ee Muqdisho caawa salaadii maqribkii ka dib, iyadoo dhinaca kale Hoobiye ku soo dhacay isgoyska howl-wadaag uu sababay dhaawac.
Ilaa labo qarax ayaa laga maqlay agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxyadaasi ka dibna ay dhacday israsaaseyn xoogan oo dhex martay ciidamada Uganda oo wata gawaari dagaal iyo kooxo aan la garaneyn.
Ciidamada Uganda ayaa sida ay shabelle u sheegeen Goobjoogayaal markii la weeraray waxa ay sameeyeen iska caabin, iyadoo wali aan la ogeyn qasaaraha gaaray dhinacooda.
Laakiin 14 ka ruux ee dhaawacmay ayaa waxa ay ahaayeen dad rayid ah oo socday wadada iska horimaadka uu ka dhacay, kuwaasi oo qaarkood lagu geeyay Isbitaalada Gaari Gacanno, ka dib markii uu yaraaday isku socodka gaadiidka markii wadooyinka gala Isbitalka madiina ay gooyeen ciidamada Ethiopia.
Ciidamada Uganda ayaa waxaa la sheegay xilliga weerarka uu dhacayay in ay marayeen wadada KM4 oo ay ku sii jeedeen Airaporka.
Laakiin weerarkaan ayaa ah kii ugu horreeyay oo ciidamada Uganda loogu geeysto caasimadda Somalia ee Muqdisho tan iyo markii shalay cutubyo ka tirsan ciidamada Uganda ay soo gaareen caasimadda.
Dhacdadaan ayaa ku soo beegmay xilli Midowga Africa uu saacado ka hor uu shaaciyay in ciidamada Midowga Africa ay isdifaacayaan haddii la soo weeraro.
Dhinaca kale Hoobiye aan la garaneyn meel laga soo tuuray ayaa caawa waxa uu ku dhacay isgoyska H/wadaag ee magaalada Muqdisho, iyadoo uu sababay dhaawac qof haweeneey ah sida ay shabelle u xaqiijiyeen goobjoogayaal.
Wariyeyaasha shabelle ayaa ku howlan wali xaqiijinta qasaaraha ka dhashay israsaaseyntaan.
Waxii warar ah ee ku soo kordha kala soco shabelle.
Shabelle Media Network Somalia
E-mail us:
info@shabelle.net