Postby DawladSade » Sat Mar 10, 2007 7:28 pm
costa is talking about the mareexaan women who shut down kismaayo's streets today
Haween Caraysan Oo Xiray Wadooyinka Muhiimka ah Ee Kismaayo Iyo Mid Ka Mid Ah Oo Ciidamadu Ay Dhaawaceen
Mar 10,2007
by Kismaayo-GEDO-NN
Boqolaal haween ah oo ka soo horjeeda Ciidamada dawlada federaalka Kmg ah ayaa banaanbax ka dhigay wadooyinka iyo isgoysyada muhiimka ah ee magaalada kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.
Haweenka oo ka caraysnaa nin ka ganacsada Hubka oo la sheegay in meel aan lagarayn ay ku haystaan Saraakiil ka tirsan dawlada federaalka ayaa waxaa dhagxaan iyo qalab duugoobay ay ku xireen wadooyinka waawayn iyo is goysyada waxaana istaagay isu socodka Gaadiidka dadwaynaha.
Ciidamo ka tirsan dawlada ayaa rasaas ka furay haweenka oo waxaana dhaawac darran uu soo gaaray mid ka mid ah Haweenkii Banaanbaxay oo haatan lagu dawaynayo isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.
Cadani Xasan oo ka tirsan banaabxayaasha ayaa u sheegtay Gedonet inaysan u dulqaadin doonin dadkooda oo ay afduubanayaan waxa ay ugu yeertay maleeshiyo beeleed laga keenay gobollada dalka qaarkood. Waxaana ay intaas raacisay in ay sii wadayaan banaanbaxaan, ilaa iyo inta ay ujeedadooda ka gaarayaan.
Isu soo baxaan rabshadaha watay waxaa uu dhacay iyadoo uu guriga Gudoomiyaha Gobolka uu ka soconayo shir ay leeyihiin Barasaabka iyo waxgaradka beesha SADE oo ka soo horjeeda sida loo dhisay maamulka J/hoose.
Lama oga waxyaabaha ay isla soo qaadayaan, hase yeeshee gudoomiyaha gobolka Ilyaas Badal Gaboose oo maanta uwaramayay gedonet ayaa sheegay in uu la qaadan doonin kullamo siyaasi ah beelaha wax tabanaya oo uu sheegay in uu inta awoodiisa ah uu qancinayo inay xaalku faraha ka bixin.
N D F-GEDO-NN-Kismaayo