I always said it, "You can never domesticate a waraabe."
This guy should have been offed earlier instead of fed, housed, clothed and paid by the JVA, Indocaade, and the UIC.
Ma dhab baa in Jeneraal caan ka ah Soomaaliya loo magacaabay howlgalka ciidamada dowladda KMG ee Muqdisho.
Muqdisho ,Talaado , Marso , 13 , 2007, Waagacusub.com
Iyadoo maalmaha soo socda la filayo in hawlgalo amaanka magaalada Muqdisho lagu sugayo ay ka bilaabaan Ciidamada dowladda KMG sida uu qorshuhu yahay ayaa warar aanu ka helnay magaalada Baydhabo waxa ay sheegayaan in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu howlgalkaasi u magacaabay inuu hoggaamiyo Jen. Maxamed Sicid Xirsi (Moorgan).
Sida warku sheegayo Jen. Morgan iyo saraakiil kale oo howshan kaga hooseynaysa ayaa loo xil saaray fulinta howlgalkan oo looga gol leeyahay in inta ka horreysa muddada shirka dib u heshiisiinta ee lagu dhawaaqay 16-ka April inuu ka furmayo Muqdisho si weyn wax looga qabto ammaanka.
Ma jirto cid xaqiijineysa in Morgan uu howlgalkani horkacayo, hase ahaatee wasiir ka tirsan dowladda KMG ayaa horey u sheegay in saraakiil ka tirsan ciidamada dowladdu ay u fadhiyaan qaabkii looga hawlgeli lahaa magaalada Muqdisho, isagoo intaa ku daray in ciidamadii howlgalkaasi fulin lahaana ay hadda diyaar ku yihiin goobihii loogu talo galay sida uu qoray Wargeyska Xog Ogaal.




