Waxaa xalay la dilay taliyihii saldhiga magaalada Kismaayo Cabdi Maxamed C/lle oo ku magac dheer Cabdi Gaab isagoo markaa kusugnaa gurigiisa waxaana tacshiirad xoogan ku furay mid kamid ah ilaaladiisa oo markaa kusugnaa meel aan waxba ka fogayn.
Cabdi Gaab ayaa waxaa loo cararay Isbitaalka Guud ee magaalada Kismaayo isagoo markii danbena halkaa ku geeriyooday waxaa kaloo dhaawac soo gaadhay kadib markii tacshiirada lagu furay taliyaha mid kamid ah ilaaladiisa iyo labo carruur ah oo uu mid jiro 2 sano halka ka kalena uu jiro 13 sano.
Ilaa iyo hada si dhab ah looma oga sababta dhabta ah ee ka danbaysay in taliyaha tacshiirad lagu furo walow dadka qaarkii ay ku macnaynayaan in ay kadanbaysay kadib markii uuu shalay amar ku bixiyay in lasoo qabqabto budhcad dilal ka gaysatay magaalada Kismaayo.
Marxuumka ayaa waxaa manta lagu aasayaa xabaalaha magaalada Kismaayo waxaana lagu wadaa inay aaskiisa kasoo qayb galaan madax badan oo katirsan dawalada KMG ah oo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka.
Hadaba waxaa mudooyinkan danbe kusoo badanayay mgaalada Kismaayo dilalka noocan oo kala ah oo loogaysanayo dad ka rayidka ah iyadoo ay hada magaaladu amaankeedu uu si wayn uga soo darayo iyadoo ilaa iyo hadana aysan maamulka ka jira magaalada Kismaayo waxba uu san ka qaban dhacdooyinkan isdaba socda ee dad ka aan waxba galabsan lagu laynayo.



