Muqdisho oo laga dareemayo diyaar garoow dagaal xilli dowladda qorsheeyneyso hoowlgalo,dabaqyadda dhaadheer oo la saaray qoryaha.
Muqdisho ,Axad , Marso , 18 , 2007, Waagacusub.com
Dabaqyadda dhaadheer ee Muqdisho ayaa la saartay qoryaha ridada dheer sida Dhashiikayaasha iyo BKM yadda sidoo kalana Magaaladda degmooyin ka mida ayaa u muuqanaya degaano lama galaana oo dowladda ay ka caagan tahay,iyadoo Maleeshiyo beeleedyo baaxad wayn ay isku aruursanayaan.
Ciidamadda dowladda Federalka ayaa u soo ruuqaansaday xaafada hor leh oo ka tirsan KM4,Zoope,Banaadir iyo Tarabuunka halka dhinaca kalana ay kulaalayaan suuqa wayn ee Bakaaro ,iyagoo soo degay agagaarka howlwadaag iyo Wardhiigleey oo ku dhaw dhinaca Madaxtooyadda.
Ciidamadda dowladda oo aad u hubaysan ayaa la sheegayaa inay diyaar garoow ugu jiraan duulaan ay ku qaadaan jidka dheer ee Warshadaha ilaa Degaanka Huriwaa iyo Caymis oo la rumaysan yahay inay xarun u tahay xoogaga sida ba'an uga soo horjeedda jiritaanka dowladda federalka ee uu hogaamiyo Madaxweyne Yusuf.
Xoogaga Maleeshiyadda Hawiye ee u diyaar garoobaya dagaal u dhigmo Xadka iyo Xawaaraha oo ay kala hortagaan Ciidamadda dowladda Cabdilahi Yusuf ayaa la sheegayaa inay maalgelinayaan ganacsatadda gobolka Banaadir.
Dowladda Cabdilahi Yuusuf ee awoodda dheerigaa ku leh Muqdisho waxaa la soo wariyay in hoowlgalkoodda uu yahay mid uu hogaaminayo Madaxweyne Yusuf oo ah taliyaha Ciidamadda qalabka sida,wuxuuna qorshaha ugu horeeya yahay inay jaraan guud ahaan Isgaarsiinta dalka mudo 11 cesho ah oo la fulinayo hoowlgalo lagu nabadeeynayo Muqdisho,sida ay ku andacoonayaan qaar ka tirsan Saraakiisha Ciidamadda federalka .
Cabsi badan ayaa ka taagan suuqa ugu wayn Soomaaliya ee Bakaaro oo Madaxweyne Yusuf rumaysan yahay inuu yahay Bank dhexe ee Ururka Al Itixaad ,laakiin Xeeldheerayaasha Hawiye waxay dhinaca kale tilmaamayaan in Cabdilahi qorshahiisa ugu wayn yahay sidii uu ku burburin lahaa Suuqa Bakaaro oo uu aaminsan yahay in hantidda ugu badan ee taal ay leeyahiin Ganacsatadda Hawiye ee ka biyo diidsan dowladiisa.
Lix boqol oo ka tirsan Maleeshiyadii Cabdi Qaybdiid iyo Maxamed Qanyare ee tababarka ku soo qaadatay Beled doogle ayaa toban toban loogu shaandheeyay Ciidamadda kale ee dhinaca Puntland ,waloow Taliye Gaas sedex unug laga dhigay Faarax Garam Garam oo aan la ogayn inta uu sii ahaan doono.
Kala daadintaas lagu sameeyay Ciidamadda lixda boqol ee korneyl Qaybdiid iyo Mr Qanyare ayaa la rumaysan yahay inay tahay mid lagula dagaalamayo inay soo baxaan Ciidamo awood leh oo isku siyaasad ah.
Dagaal Muqdisho ka dilaaco oo ugu dambeyn noqon kara mid u dhaxeeya SSDF iyo USC lama ogga kooxda lagu kuusi doono ,waxaase dhinaca SSDF ka safan Ciyaartooy aan kubadda dagaalka hore ugu xeeldheereyn kuwaas oo laga sheegi karo Maxamed Maxamud Gacmodheere iyo Salaad Cali Jeelle .waxaana la sii wada eegayaa marka gulufka biloowdo difaac iyo weerar garoonka halka ay ka istaageen.
Hogaamiyaasha dagaalka Hawiye lama ogga inay dagaal kala hortagayaan Cabdilahi Yusuf maxaa yeelay waxay qabaan shaki la xiriira in hadii Cabdilahi iyo Itoobiya la kuuso ay ku soo noolanayaan Xoogaga Maxaakiimta oo haatan badankood Muqdisho isku aruursanaya,horena cagahoodda biyo geliyay.



