Salaad Cali Jeelle iyo Rag kale oo lasoo xaqiijiyay in ay dhaawacan yihiin.
Muqdisho,19,March-07 ( Qaadisiya.com) Salaad Cali Jeelle oo kamid ah Ragga sida indho la’aanta u jecel gaalada been badanna dartooda u sheegay ayaa iminka lasoo xaqiijiyay in uu dhaawacan yahay.
Salaad ayaa waxa uu kudhaawacmay Maalintii soo dhaweynta C/llaahi Yuusuf ee Hoobiyeyaasha lagu soo dhaweynayay Villa Somalia, waxaana dhaawaciisa illaa iyo iminka lagu soo waramayaa in uu yahay mid culus.
Dhaawaca Salaad ayaa iminka lagu hayaa Xaafad uu ugu dambeyntii ka degay Degmada Kaaraan kadib markii isaga iyo shaaweey ay waayeen Meel ay Muqdisho ka degaan taasi oo sababteeda ay lahaayeen Shacabka Soomaaliyeed oo iska ceyrin jiray raggaasi si iyaguna aanan musiibada lala maagan yahay u soo gaarin.
Warar soo baxaya aya waxa ay sheegayaan in Salaad Cali Jeelle la filayo in dhowaan loo qaado Magaalada Addis Ababa inkastoo warkaasi weli aanan helin xaqiiqdiisa lakin dhaqaatiirta daweyneysa ayaa subax waliba iminka ugu aada guriga uu Degmada Kaaraan ka degan yahay.
Dhinaca kale waxaa jirta rag kale oo kudhaawacmay Weerarkii soo dhaweynta ee Villa Somalia ee lagu qaaday C/llaahi Yuusuf iyo Xulufadiisa, waxaana kamid ahaa raggaasi oo ugu caansan Xasan Abshir Faarax inkastoo isaguna weli aanan helin halka dhabta ah ee uu ka dhaawacmay.
Waxaa kale oo gudaha Xarunta Villa Somalia ku dhaawacmay rag fara badan maalintii soo dhaweynta C/llaahi Yuusuf hayeeshee dhaawacyadaasi ayaa ahaa kuwa fud fudud, waxa iminka harsan keliya oo Musiibadu in ay camimto Ninka Beenta kusoo labeeya Salaad Jeelle oo la yiraahdo Xuseen Idamaale.




