Dadka ku dhaqan Waqooyiga Muqdisho cabasho ka muujinaya lacagaha Canshuuraha ah xilli amni uusan jirin
Dowladda federaalka KMG Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay canshuuro ka qaada qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaana Waqooyiga magaalada oo ay ku dhaqan yihiin taageerayaasha ugu badan ee dowladda, waxaana canshuurtan looga qaadaa, guri guri, iyo goobaha ganacsiga.
Qaar ka mid ah ganacsatada Waqooyiga Muqdisho ayaa cabasho ka muujinaya qaadista
Canshuurahan oo ay sheegeen in aysan heysan wax ammaanka isla markaana ay ku
adagtahay in iyagoon heysan amni inay bixiyaan lacag, iyagoo ka codsaday dowladda
federaalka in lacagtooda ay ugu bedelaan amni.
C/llaahi Jilicow Caddow (Calas) oo ka mid ah ganacsatada yar yar ee suuq Bacaad ayaa
sheegay in maalintii laga qaado lacag u dhaxeysa 1000 illaa 2000 (Kun shillin, illaa
labo kun), isla markaana ay soo dhoweynayaan balse ay aad uga xun yihiin in
canshuuro laga qaado oo kaliya lana sugin amnigooda.
“Ciidamada dowladda waxaad arkeysaa marka ay canshuurta qaadayaan oo kaliya, inta
kale suuqa ma joogo hal Askari oo sugaya amniga†ayuu yiri Mr. Calas oo intaasi ku
daray in dowladda ay ka codsanayaan in la sugo amnigooda lagana qaado Canshuuraha,
wuxuuna intaasi raaciyay in loo baahan yahay in 16-ka degmo ee caasimadda laga
uruuriyo canshuuraha, waa haddii ay awood u hesho dowladdu.
Garaad Salaad Xirsi
garaadcadde@hotmail.com



