Mogadishu 21, March.07 ( Sh.M.Network) Dagaal qaraar ayaa waxa uu ka soconayaa inta u dhaxeysa xerada Maslaxa iyo Darmooleey ee duleedka Suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho.
Dagaalkaan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa ethiopia iyo kooxo ka soo horjeeda ayaa la isku adeegsanayaa madaafiic iyo rasaasta nuucyadeeda kala duwan.
Dagaalkaan oo sii xoogeysanaya haatan ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhaawacmay labo ruux oo rayid ah sida uu ku soo waramayo Wariye alcadaala oo ka tirsan shabelle kuna sugan goobtaasi.
Daryanka madaafiicda iyo hubka waaweyn ayaa laga maqlayaa xaafadaha ku xeeran Suuqa xoolaha, iyadoo wali aan la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi.
Dhinaca kale wali waxaa sii soconaya dagaaladii ka jirey agagaarka Wasaaradii hore ee G/dhigga iyo wadada Hotel Ramadan ee magaalada Muqdisho.



