Azhari: Waxa Dowladda Diidan Qaybyar Oo Hawiyaha Ka Mid Ah Oo Bililiqo Ku Nool.
--------------------------------------------------------------------------------
(Azhari: Waxa Dowladda Diidan Qaybyar Oo Hawiyaha Ka Mid Ah Oo Bililiqo Ku Nool. )
hadhwanaag 2007-03-21 (Hadhwanaagnews) La taliyaha Col. C/lahi Yusuf oo waraysi siiyay BBC ayaa sheegay in dalka Somaliya oo dhan uu xasilan yahay marka laga reebo Muqdisho oo ay ku nool yihiin dad boobay hantidii ummada oo diidan in lala xisaabtamo oo maxkamad la horkeeno. Yusuf Cumar Azhari oo ay isku beel yihiin Mad. Clahi Yusuf ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay uga "faraxalan doonaan Muqdisho" waa sida uu hadalka u dhigaye.
Azhari ayaa la hadlayay BBC qaybteeda carabiga wuxuna ku adkaystay in ciidamada howl galka ka wada Muqdisho ay yihin kuwii dowladda oo aysan jirin ciidamo Itoobiyaan ah oo dagaalka ku jira. Azhari wuxu sheegay in qayb yar oo ka mid ah qabiilka Hawiye ay diidan yihiin dowladda sababtuna ay tahay iyagoo bililiqo badan haysta oo diidan in lala xisaabtamo. Laakin talaabo ayaan ka qaadi doonaa mardhow ayuu ku adkaysay.
BBC




