AFGOOYE: Ciidammo Ethiopian ah oo aad u fara badan oo ka soo gudbay xalay Degmada Afgooye una soo jahaystay Muqdisho
Posted to the Web Mar 22, 07:12
Afgooye (PP) – Ciidammo aad u xoog badan oo Ethiopian ah ayaa waxay xalay ka soo gudbeen degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada hoose, waxaana ciidammadaan oo watay hub aad u fara badan u soo gudbeen Muqdisho.
Ilo wareedyo ku sugan Afgooye oo aan saakay xiriir la semaynay ayaa waxay inoo caddeeyeen in ciidammadaan ay wateen hub aad u fara badan oo la sheegay in qaarkood ay ahaayeen kuwa la jiidayay.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidammadaan ay wateen taangiyo fara badan, sidoo kalena waxay wateen hubka madafiicda goobta oo ay jiidayaan gawaarida ciidammada ee URAL-ka loo yaqaan, waxaana la sheegay inay u soo gudbeen Muqdisho.
Ciidammadaan ayaa waxaa la sheegay inay qayb ka noqon doonaan ciidammada Ethiopia ee ku sugan Muqdisho kuwaasoo la sheegay inay dhawaan ka billaabayaan caasimadda Muqdisho inay sugaan ammaankeeda.
Dowladda ayaa waxay sheegtay inay ku sugayso ammaanka Muqdisho ciidammo Ethiopian ah sida warar ku dhow Dowladda ay sheegayaan, waxaana wararkaan ay intaas ku darayaan in ciidammada dowladda aysan ahayn kuwo ku guulaysan kara inay sugaan ammaanka Muqdisho.
Waa markii ugu horreysay oo ciidammo intaan le’eg oo Ethiopian ah ay u soo gudbaan Muqdisho kaddib markii ay dalka soo galeen muddo hadda laga joogo 3-bilood, markaasoo ay ka saareen dalka oo dhan Maxkamadihii Midoobay.
Wararka ayaa waxay dhanka kale sheegayaan in ciidammadaan ay doonayaan inay koontaroollo ka sameystaan Muqdisho si ay u sugaan ammaanka Muqdisho oo ahaa mid aan cago badan ku fadhin kaddib markii Maxkamadaha laga saaray dalka oo dhan.





