Maamulka Hargeisa Oo Amarro Adag Kusoo Rogay G/Togdheer
(Burco}22.03-7
Magaaladda Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa laga mamnuucay isticmaalka Lacagta Giinbaarta looyaqaano ee shanta boqol iyo kunka shiling somaliga ah.............................
mamnuucista Lacagta ee Magaaladda Burco ayaa ka dambeysay kadib markii lacag sida la sheegay maamulka labaxay somaliland uu kusoo daabacay dalal dibada ah iyadoo lacagtaasina ay soo gashay Magaalada Burco iyo Guud ahaan Gobolka.
Dadka magaaladda burco ayaa cadaadis weyn ka muujiyey lacagtan oo ay dadka qaarkii ku sheegaan lacag faalso ah iyagoo sheegay in ladoonayo in lagu burburiyo dhaqaalaha Gobolka Togdheer.
Masuuliyinta iyo ganacsatada gobolka tohdheer ayaa dadaal ugu jira inay ka hor tagaan isticmaalka lacagta Faalsada ah ee maamulka hargeisa uu soo samaystay soona galiyay gobolka togdheer, iyagoo Masuuliyintu ku wargeliyey Ganacsatada inay joojiyaan isticmaalka lacagta maamulka hargeisa uu dalka dibadiisa ka keensaday,
Gud ahaan shacabka reer burco ayaa u arka lacagta laga isticmaalo magaalooyin ay kamid tahay hargeisa mid wiiqaysa dhaqaalaha iyo horumarka gobolka togdheer
Widhwidh Online News Desk..Media Center




