Postby XidigtaJSL » Fri Mar 23, 2007 5:54 pm
Taageeridda Hawiye iyo shir aad u heersareeya oo lagu qabtay London Oo ay ka soo
Waxa shalay oo taariikhdu ay ahayd 22 March 2007, maalin Khamiiseed lagu
qabtay magaalada London shir aad u heersareeya oo lagu taageerayo masiirka
beelaha hawiye ee lag cabudinayo Muqdisho iyo nawaaxigeeda ee aan waxba
galabsan.
Shirkan oo in muddo ahba si hoos ahaanaloo qabanqaabinayey waxa uu ku
dhammaaday si aad u heersaraysa oo la isla gartay in hiil iyo hooba la isla
garab taagao umadda la doonayo in gardaradda lagu gumaado sidii Somaliland
soo martay 80aadkii taaso weli qalfoskii, xabaalihii iyo burburintii ay ka
muuqdaan cariga Somalilad.
Dagaalka lagu hayo eelaha hawiye iyadoo loo adeegsanayo quwadda Etiopia iyo
dawladaha Africa oo aan hoos u ogayn xaqiqda qabaail ee Somalia ka jirta,
waxay nola muuqatay inaan indhaha laga qarsan doonin ee hub, xoog iyo
dhaqaaleba la isla garab taago hadii aanu si dhakhso ah u joojin xaaladda ay
Cabdilaahi Yuusuf iyo taageerayaashiisu ka wadaan aagga Muqdisho.
Shirkan waxa lagu doortay guddi heer sare ah oo sida ugu haboon u soo qaban
qaabiya siyaalihii caawimada loo fulin lahaa.
Magacyada gudidu waa
Cabdi Aadan Daauud (Maydhane) Gudoomiye
Cabdilaahi Cabdi Jaamac (Gaabuush) Gudoomiye ku Xigeen
Sahra Cabdi Oomane Xoghaye
Sacad Cabdi Cabdilaahi (Xinif) Khasnaji
Guul ilaahay baa leh
Wixii war ah ee soo kordhana iyo caawimadu sida ay u gaadhayso Belaha Hawiye
dib baanu ka soo sheegaynaa.
Khaliil Mohamed (Maandooriye